Taliye Ciidan oo lagu dilay Muqdisho iyo Wararkii ugu dambeeyey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Milateriga dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa Caawa lagu dilay Xaafad ka tirsan magaalada Muqdisho, ee Caasimadda Soomaaliya.

Goobjooge la hadlay Warsidaha Garowe Online ayaa xaqiijiyay in Koox bastoolado ku hubaysan ay Xaafadda Maclin Nuur ee degmada Dharkeenlay ku dileen Sarkaalka oo lagu magacaabi jiray Maxamed Xasan Ciise.

Maxamed ayaa lagu toogtay meel ku dhaw Hoygiisa kadib markii jidka u galeen labo dhalinyaro ah, oo bastoolado ku hubaysan, kuwaasi oo isaga ku daba jiray markii uu shaqadiisa kasoo laabanayay, sida ay sheegeen Saraakisha Booliska degmada.

Kooxda dilka fulisay oo loo maleynayo inay katirsan yihiin Al Shabaab ayaa goobta isaga baxsatay, iyadoo sida caadada ah ay soo gaareen Ciidamada dowladda oo sameeyay baaritaan aan cidna lagu soo qaban.

Waa dilkii labaad oo tan iyo xalay ka dhaca isla Xaafadda Maclin Nuur ee caawa lagu dilay Sarkaalka Militeriga dowladda Federaalka Soomaaliya kamid ahaa, waxaana falkan uu qeyb ka yahay dilal kusoo kordhayay mudooyinkii dambe magaalada.

Xalay fiidkii Askari katirsanaa Ciidamada Xasilinta iyo qof shacab ah ayaa lagu dilay Isgoyska Towfiiq ee degmada Yaaqshiid, waxaana loo qabtey falkaasi dhowr qof oo laga shakiyay. Halkan ka akhri.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo Beesha Caalamka kala hadlay khilaafka doorashooyinka Soomaaliya

Dhanka kale, mucaaradka ayaa ku baaqaya in marka hore la gaaro is-afgarad siyaasadeed oo loo dhan yahay.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 11:45AM

Xisbiga Towfiiq oo diiday natiijada doorashada Galmudug, kuna eedeeyay guddiga doorashada eex

Guddiga Doorashooyinka ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin eedeymaha Towfiiq ama shaacin in dib loo eegayo natiijooyinka la soo saaray.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 08:23AM