Taliye cusub oo loo magacaabay Ciidanka Badda Soomaaliya

Image
Magacaabidan ayaa imaanaysa maalin kadib markii Xasan Sheekh uu kasoo laabtey waddanka Eritrea.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xeer Madaxweyne ugu magacaabay Gaashaanle Sare Mubarak Cabdiqani Muuse Taliyaha Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha ee Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Sida ay war-saxaafadeed ku sheegtay Madaxtooyadda Soomaaliya, Madaxweynaha oo magaacaabistan ku saleeyey sharciga dhismaha Ciidanka Xoogga dalka ee Lr. 15.

Xasan Sheekh ayaa faray Taliyaha cusub in uu sii amba-qaado qorsheyaasha qaran ee dib u dhiska Ciidamada Badda Soomaaliyeed, si loo helo ciidan awood u leh hanashada sugidda amniga marin-badeedyada dalka iyo difaaca xeebaheenna ballaaran.

"Xeerkan Madaxweyne oo waafaqsan qodobbada 80-aad iyo 90-aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa ku dhaqan galay faafinta rasmiga ah," ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraalka Madaxtooyadda.

Magacaabidan ayaa kusoo aadaysa maalin kadib markii Xasan Sheekh uu kasoo laabtey Eritrea halkaasoo uu ku kormeeray cutubyo kamid ah ciidamo loo tababaray badda. Balse lama ogga waqtiga saxda ah ee askartan ay kusoo laaban doona dalka.

Mubarak ayaa kamid ah ciidamadda lagu tababaray waddanka Eritrea. Safarkii koowaad ee madaxwayne Xasan Sheekh uu ku tagay Asmara, Gaashaanlaha wuxuu kamid ahaa cutubyadii loo diyaariyey in ay salaanta siiyaan hogaamiyaha Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Beesha Caalamka u Gudbiyay Dacwad ka Dhan ah Faragelinta Itoobiya

Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu si adag ugu dacwoodo faragelin uu sheegay inay dowladda Itoobiya ku hayso arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    29-03-2026

  • 09:16AM

DF Soomaaliya oo isu diyaarineysa weerar ka dhan ah Koonfur Galbeed, doorka Itoobiya maxuu noqon doonaa?

Khilaafka oo markii hore ahaa mid siyaasadeed ayaa si degdeg ah isu beddelay dhaqdhaqaaqyo..

  • Soomaliya

    27-03-2026

  • 09:38PM