Taliye ka tirsan ciidanka Soomaaliya oo qirtey in uu lacag siiyey Al-Shabaab

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dakhliga malaayiinka ah ee maleyshiyadda Al-Shabaab hesho bil walba wuxuu kaga yimaadaa shacabka iyo mas'uuliyiinta dowladda, sidda ay daaha ka rogtay warbixin cusub oo dhowaan la daabacay.

Lacagtaas oo xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ay si toos ah uga timaado ganacsatada iyo dalabyo ay iyaga gudbiyaan ayaa lagu qiyaasay in ay bishii gaarayaan 11 milyan Doolar, sidda uu machadka Hiraal tibaaxay.

Guddiga khuburada UN-ka ee qaabilsan dabagalka Soomaaliya ayaa warbixintooda 2020 waxay ku xuseen in ururka uu sanadkii sameeyo 21 milyan oo Doolar una adeegsato fulinta howlgaladiisa shacabka wax ku noqdan.

Dadka lacagtaas dhiibay waxaa ku jira taliye ka tirsan ciidamadda Soomaaliya, sidda ay warisay BBC-da, wallow aysan soo bandhigin magaciisa.

Sarkaalkan ayaa sharaxaad wuxuu ka bixiyey qaabka uu "lacagta ugu diray Al-Shabaab inkasta oo uu dagaal kula jiro dagaalameyaasha hubeysan".

Askariga ayaa sidoo kale wuxuu fasiiraad ka bixiyey qaabka ruux guri u dhisayey uu u joojiyey shaqada ugana tagay kadib markii taliyaha uu ka biyo-diidey in uu dhaqaale siiyo maleeyshiyaadka tiradooda lagu qeexay 5-10 kun.

Sidda ku xusan warbixinta, gaadiidkii qalabka dhismaha u keenayey ayaa sidoo kale hakiyey in tagaan goobta markii la waydiistay in ay lacag dhiibaan.

"Ugu dambeyntii, waxaa ku qasbanaadey midkood in aan joojiyo dhismaha ama aam dhaqaale siiyo Al-Shabaab," ayay BBC-da kasoo xigatay taliyaha.

Wuxuu hadalkiisa ku daray: "Nasiib darro, waxaan siiyey ayaga $3,600 [saddex kun iyo lix boqol kun oo Doolar], gurigeyna waa la dhameystiray".

Sheegashooyinka ku saabsan in mas'uuliyiin, taliyeyaal iyo ganacsato ay Al-Shababa siiyaan lacag si amni u helaan ama danahooda uga baaqan waa kuwa isa soo taraya, balse illaa haatan lama soo bandhigin caddeymo aad u culus.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM