Taliye ka tirsan ciidanka Soomaaliya oo qirtey in uu lacag siiyey Al-Shabaab

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dakhliga malaayiinka ah ee maleyshiyadda Al-Shabaab hesho bil walba wuxuu kaga yimaadaa shacabka iyo mas'uuliyiinta dowladda, sidda ay daaha ka rogtay warbixin cusub oo dhowaan la daabacay.

Lacagtaas oo xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ay si toos ah uga timaado ganacsatada iyo dalabyo ay iyaga gudbiyaan ayaa lagu qiyaasay in ay bishii gaarayaan 11 milyan Doolar, sidda uu machadka Hiraal tibaaxay.

Guddiga khuburada UN-ka ee qaabilsan dabagalka Soomaaliya ayaa warbixintooda 2020 waxay ku xuseen in ururka uu sanadkii sameeyo 21 milyan oo Doolar una adeegsato fulinta howlgaladiisa shacabka wax ku noqdan.

Dadka lacagtaas dhiibay waxaa ku jira taliye ka tirsan ciidamadda Soomaaliya, sidda ay warisay BBC-da, wallow aysan soo bandhigin magaciisa.

Sarkaalkan ayaa sharaxaad wuxuu ka bixiyey qaabka uu "lacagta ugu diray Al-Shabaab inkasta oo uu dagaal kula jiro dagaalameyaasha hubeysan".

Askariga ayaa sidoo kale wuxuu fasiiraad ka bixiyey qaabka ruux guri u dhisayey uu u joojiyey shaqada ugana tagay kadib markii taliyaha uu ka biyo-diidey in uu dhaqaale siiyo maleeyshiyaadka tiradooda lagu qeexay 5-10 kun.

Sidda ku xusan warbixinta, gaadiidkii qalabka dhismaha u keenayey ayaa sidoo kale hakiyey in tagaan goobta markii la waydiistay in ay lacag dhiibaan.

"Ugu dambeyntii, waxaa ku qasbanaadey midkood in aan joojiyo dhismaha ama aam dhaqaale siiyo Al-Shabaab," ayay BBC-da kasoo xigatay taliyaha.

Wuxuu hadalkiisa ku daray: "Nasiib darro, waxaan siiyey ayaga $3,600 [saddex kun iyo lix boqol kun oo Doolar], gurigeyna waa la dhameystiray".

Sheegashooyinka ku saabsan in mas'uuliyiin, taliyeyaal iyo ganacsato ay Al-Shababa siiyaan lacag si amni u helaan ama danahooda uga baaqan waa kuwa isa soo taraya, balse illaa haatan lama soo bandhigin caddeymo aad u culus.

GAROWE ONLINE

Related Articles

CC Shakuur: Qofkii Talada dalka la ordo waa laga dhigayaa, hana xigo ama yuusan na xigin

"Qof kasta oo la ordo talada dalka waa laga dhigayaa, ha ahaado mid na xiga ama mid aan na xigin," ayuu yiri C/raxmaan Cabdishakuur Warsame.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 09:43AM

QM oo ku baaqday in Soomaaliya dib u eegto sharciyada la-dagaalanka argagixisada, xilli xasaasi ah

Wuxuu xusay in dambiyo aan dil la xiriirin ay haddana keeni karaan xukun dil ah, taasoo aan la jaanqaadayn shuruucda caalamiga ah.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 09:09AM