Taliye ka tirsanaa militeriga Somaliland oo toogasho lagu diley

Image

April 13, 2015 (GO)- Taliyihii guutada 93aad ee militeriga Somaliland ayaa lagu diley magaalada Ceerigaabo.

Sarkaalkan oo lagu magacaabi jirey Baashe Cali waxaa toogtey askari ka tirsan guutada uu hormuudka ka ahaa.

Muran ka dhashay mushaharka ayaa dhex maray taliyaha iyo askariga, arintaasoo markii dambe gacan ka hadal isu bedeshey.

Askariga dilka geystey ayaa durbadiiba gacanta lagu dhigey, wuxuuna xilligan ku jiraa saldhigga booliska ee Ceerigaabo.

Muddooyinkii u dambeeyey Somaliland waxaa kusoo badanayey dhacdooyinka caynkan oo kale ah, waxaana xusid mudan in labo sarkaal sanadkan gudihiisa qaabkan oo kale ku dhinteen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Daahfurtay Siyaasadda Daboolidda Kharashaadka Adeegyada Caafimaadka

Munaasabadda daahfurka waxaa ka qeyb galay wasiirrada maaliyadda, qorsheynta iyo haweenka, wasiir ku-xigeenka caafimaadka.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 01:29PM

Khilaafkii Museveni iyo Xasan Sheekh oo Saameyn Ku Yeeshay Xiriirka Labada Dal - XOG

Ilo wareedyadu waxay sheegeen in xiriirka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 09:02AM