Taliye ka tirsanaa militeriga Somaliland oo toogasho lagu diley

Image

April 13, 2015 (GO)- Taliyihii guutada 93aad ee militeriga Somaliland ayaa lagu diley magaalada Ceerigaabo.

Sarkaalkan oo lagu magacaabi jirey Baashe Cali waxaa toogtey askari ka tirsan guutada uu hormuudka ka ahaa.

Muran ka dhashay mushaharka ayaa dhex maray taliyaha iyo askariga, arintaasoo markii dambe gacan ka hadal isu bedeshey.

Askariga dilka geystey ayaa durbadiiba gacanta lagu dhigey, wuxuuna xilligan ku jiraa saldhigga booliska ee Ceerigaabo.

Muddooyinkii u dambeeyey Somaliland waxaa kusoo badanayey dhacdooyinka caynkan oo kale ah, waxaana xusid mudan in labo sarkaal sanadkan gudihiisa qaabkan oo kale ku dhinteen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM

 Xasan Sheekh: Mucaaradka ma leh aragti mideysan, waana kala jabay

Isaga oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday magaalada Dhusamareb, caasimadda dowlad-goboleedka Galmudug.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 12:46PM