Taliye Odowaa oo ka hadlay weerarka Al-Shabaab ee Xawaadley

Image
Weerarkan ayaa imanaya ayada oo kooxda Al-Shabaab horey looga saaray dhul ballaaran.

MUQDISHO, Soomaaliya - Kooxda Al-Shabaab ayaa saaka weerar khasaare nafeed dhaliyey ku qaaday saldhig ay militariga dowladda Soomaaliya ku leeyihiin degaanka Xawaadley ee gobolka Shabeellaha Dhexe, oo ilaa 75km waqooyi ka xiga Muqdisho, halkaasi oo uu ka dhacay dagaal xooggan.

Weerarkan ayaa al-Shabaab ay u adeegsadeen qaraxyo iyo maleshiyaad weerar ah, waxaana iska caabiyey militariga, sida uu sheegay Taliyaha militariga Soomaaliya, Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage oo la hadlay warbaahinta dowladda.

Militariga Soomaaliya iyo kooxda Al-Shabaab ayaa warar is-khilaafsan kasoo saaray khasaaraha dagaalkii halkaas ka dhacay.

Taliyaha militariga Jeneraal Odowaa ayaa xaqiijiyey dhimashada shan askari. Dadka dhintay waxaa ka mid ah sarkaal sare oo lagu magacaabay Col. Abshir Shataqey. Taliyaha ayaa sidoo kale sheegtay inay dagaalka ku dileen 21 xubnood oo ka tirsanaa maleeshiyada Al-Shabaab.

Dhinaca kale, kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay in weerarka ay ciidamada dowladda ku gaarsiiyeen khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo gaaraya illaa 63. Ma jirto cid si madax-banaan u xaqiijin karta sheegashadooda.

Weerarkan ayaa imanaya ayada oo kooxda Al-Shabaab horey looga saaray inta badan gobolka Shabeellaha Dhexe iyo guud ahaan maamul goboleedka HirShabeelle, hase yeeshee waxay weli sii waddaa inay weeraro ka fuliso gobolka.

VOA + GO

Related Articles

Haweeney Lagu Xukumay 15 Sano ka Dib Ururinta $1.2 Milyan oo Al-Shabaab loogu Maalgaliyay

“Dhammaan dadka ku lugta leh falalkan halista ah waxaa la horkeeni doonaa sharciga si cadaaladda loo waafajiyo,” ayaa lagu yiri bayaanka xafiiska.

  • Soomaliya

    16-09-2025

  • 11:46AM

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Amiirka Qatar oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Doha

Xasan Sheekh ayaa Amiirka Qatar la wadaagay dareenka shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan garab-istaagga shacabka Qatar.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 12:24PM