Taliyeyaal cusub oo loo magacaabay Booliska, NISA iyo Asluubta

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Gollaha Wasiiradda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa goordhaw ansixiyay magacaabista Taliyeyaasha cusub ee Booliska, NISA iyo Asluubta.

Shir aan caadi ahayn oo maanta ay ku yeesheen Villa Soomaaliya, ayaa Gollaha waxa uu meel-mariyay magacaabista cusub, ee Hay'adaha Amniga dalka.

Taliyaha Booliska waxaa loo magacaabay Jeneraal Bashir Axmed Maxamed, iyadoo Taliyaha NISA laga dhigay Xuseen Cismaan Xuseen, oo hadda ah ku xigeenka Wasiirka Caafimaadka.

Waxaa sidoo kale la magacaabey Taliyaha Ciidamada Asluubta oo lagu soo celiyay Jeneraal Bashiir Maxamed Jaamac [Bashiir Goobe].

Magacaabistan ayaa waxay timid kadib markii sanadkii tagey xilalka laga qaaday Taliyeyaashii Booliska iyo Nabad Sugida Sanbaloolshe iyo Saacid.

Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra'iisul wasaraha, Cabdullahi Xaamud Maxamed ayaa warbaahinta u akhriyay ansixinta Taliyeyaasha cusub ee NISA, Booliska iyo Asluubta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo Beesha Caalamka kala hadlay khilaafka doorashooyinka Soomaaliya

Dhanka kale, mucaaradka ayaa ku baaqaya in marka hore la gaaro is-afgarad siyaasadeed oo loo dhan yahay.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 11:45AM

Xisbiga Towfiiq oo diiday natiijada doorashada Galmudug, kuna eedeeyay guddiga doorashada eex

Guddiga Doorashooyinka ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin eedeymaha Towfiiq ama shaacin in dib loo eegayo natiijooyinka la soo saaray.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 08:23AM