Taliyeyaal cusub oo loo magacaabay Booliska, NISA iyo Asluubta

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Gollaha Wasiiradda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa goordhaw ansixiyay magacaabista Taliyeyaasha cusub ee Booliska, NISA iyo Asluubta.

Shir aan caadi ahayn oo maanta ay ku yeesheen Villa Soomaaliya, ayaa Gollaha waxa uu meel-mariyay magacaabista cusub, ee Hay'adaha Amniga dalka.

Taliyaha Booliska waxaa loo magacaabay Jeneraal Bashir Axmed Maxamed, iyadoo Taliyaha NISA laga dhigay Xuseen Cismaan Xuseen, oo hadda ah ku xigeenka Wasiirka Caafimaadka.

Waxaa sidoo kale la magacaabey Taliyaha Ciidamada Asluubta oo lagu soo celiyay Jeneraal Bashiir Maxamed Jaamac [Bashiir Goobe].

Magacaabistan ayaa waxay timid kadib markii sanadkii tagey xilalka laga qaaday Taliyeyaashii Booliska iyo Nabad Sugida Sanbaloolshe iyo Saacid.

Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra'iisul wasaraha, Cabdullahi Xaamud Maxamed ayaa warbaahinta u akhriyay ansixinta Taliyeyaasha cusub ee NISA, Booliska iyo Asluubta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka oo ku dhawaaqay fashilka shirkii Madaxweyne Xasan Sheekh

Intaa waxaa dheer, Madashu waxay xooga saartay muhiimadda ay leedahay in dib loo bilaabo wada-hadallada qaran.

  • Soomaliya

    14-08-2025

  • 02:41PM

Dagaal Khasaaro geystay oo ka dhacay Muqdisho [Fahfaahin]

Ciidamo ka tirsan dowladda ayaa sidoo kale la sheegay in ay dhaawacyo culus kasoo gaareen iska horimaadyada.

  • Soomaliya

    14-08-2025

  • 11:32AM