Taliyihii ciidanka Booliska Somalia oo geeriyooday

Image

October 30, 2014 (GO)- Taliyihii Ciidanka Booliska Somalia Gen.Maxamed Shiikh Xasan Ismaaciil ayaa maanta ku geeriyooday magalada Muqdisho.

Saraakiil ka tirsan cidanka DFS ayaa warkan shegegay, balse waxaa la sheegayaa inuu Gen.Maxamed maalmihii lasoo dhaafay ku xanuun sanayay isbitaal ku yaala Villa Somaliya.

Ma jirto ilaa iyo hadda war kasoo baxay dowladda oo ka hadlaya geeriadda hase yeeshee wararka Garowe Online helayso ayaa tilmaamaya inuu maanta u dhintay masuulkan wadno xanuun.

Gen.Ismaaciil ayaa xilka hayay mudo ku dhow lix bilood ka dib markuu badalay Taliyihii hore Gen.Saacid.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidanka Dowladda Puntland oo Weerar Ballaaran ku Qaaday Daacish

Weeraradan cusub ayaa daba socda duqeymo habeenimadii xalay lala beegsaday bartilmaameedyo gaar ah.

  • Soomaliya

    11-08-2025

  • 07:38AM

Mungaab: Musuqmaasuq baahsan ayaa curyaamiyay Maamulka Gobolka Banaadir

Arrintan ayaa dhalisay baaqyo ku aaddan in dib u habeyn lagu sameeyo nidaamka shaqaalaha dowladda hoose.

  • Soomaliya

    11-08-2025

  • 06:39AM