Taliyihii Guutada 6-aad ee ciidanka Somalia oo qarax lagu dilay [DHAGEYSO]

Image

AFGOYE, Somalia - Cabdifitaax Xaaji Cabdulle, oo ah guddoomiye ku- xigeenka dhinaca Maaliyadda maamulka gobolka Shabeellaha hoose ayaa xaqiijiyay in qarax miino oo lala eegtay ciidamo gurmad ah uu ku dhinay Taliyihii Guutada 6-aad ee ciidamada Xooga dalka Maxamed Xasan Baakay.

Wuxuu sheegay in Taliye Baakay oo hormuud u ahaa ciidan kasoo baxay degmada Afgooye, oo gurmad ahaan ugu socday deegaanada Warmaxan iyo Tixsiile, oo saakay Al shabaab weerar ku qaadey.

Gaadiidka dagaalka ee gurmadka ah ayaa lala eegtay qarax wadada qarkeeda lagu aasay, xilli ay ku dhawaayeen deegaanka Warmaxan, oo markaasii uu ka socday dagaal u dhaxeeya Al Shabaab iyo Ciidamada dowladda Somalia.

Warar ayaa sheegay in qaraxa sidoo kale uu ku dhintay abaanduule ciidan, oo wali magacaiisa la shaacin. Afar Askari oo kale ayaa lagu dilay weerarka miinada.

Al Shabaab ayaa sheegtay inay la wareegtay deegaanada Warmaxan iyo Taxsiile, oo hoostago degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha hoose.

Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkii saaka, balse kooxda Al Shabaab ayaa sheegatay dilka 19 askari.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh Oo Qaabilay Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

Warar soo baxaya ayaa sheegay in Midowga Yurub iyo deeq-bixiyaasha kale aysan ku qanacsanayn qaabka uu Xasan Sheekh wax u wado.

  • Soomaliya

    17-05-2026

  • 08:59PM

Sheekh Shariif: "Xasan Sheekh Waxa Uu Taagan Yahay Halkii Uu Ka Bilaaban Lahaa Dhicitaankiisa"

Madaxweynihii hore ayaa caddeeyey in mucaaradku ay isticmaalayaan waddooyin sharci iyo kuwo siyaasadeed.

  • Soomaliya

    17-05-2026

  • 06:55AM