Thaabit oo aqbalay Xilka qaadistii lagu sameeyay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Thaabit Cabdi Maxamed, Gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho ayaa caawa qabtey Shir jaraa'ida oo uu uga hadlay xilka qaadistii lagu sameeyay maanta.

Thaabit ayaa shaaciyay inuu si rasmi ah u aqbalay Xilka qaadistii uu Madaxweyne Farmaajo ku sameeyay, isagoo dhanka kale ku baaqay in xayiraadda laga qaado Aqalka dowladda hoose ee Xamar.

Shirka Jaraa'id ee uu caawa qabtey Muqdisho ayuu Thaabit ugu dhawaaqay inuu soo dhaweynayo go'aanka Madaxweynaha ee xilka looga qaaday, waxaana uu ugu hambalyeeyay Eng Yariisow, Gudoomiyaha magacaaban ee isaga lagu bedalay.

Dhanka kale, Thaabit ayaa ku baaqay in dib loo furo dhaq-dhaqaaqa dadweynaha qeybo kamid Muqdisho, lana soo afjaro xiisadda siysaadeed ee ka dhalatay xilka qaadistiisa, oo ka dambaysay khilaaf isaga iyo Villa Soomaaliya soo kala dhexgalay.

Thaabit ayaa xilka Gudoomiyaha gobolka Banaadir loo magacaabay bishii April ee 2017, isagoo bedelay Yuusuf Madaale kadib markii uu qeyb ka qaatey Ololihii Madaxweyne Farmaajo bishii Febuary 8, 2017.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Somaliland oo Turkiga ku Eedeysay Faragelin

Madaxda Somaliland ayaa u arka tallaabooyinkan inay qayb ka yihiin dadaallo lagu daciifinayo maamulka.

  • Soomaliya

    19-08-2025

  • 12:20PM

Dowladda Soomaaliya oo Abaabul Dagaal Ka Wada Shabeellaha Dhexe

Ololahan cusub ayaa qayb ka ah ballanqaadkii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee ahaa inuu qaado.

  • Soomaliya

    19-08-2025

  • 11:31AM