Tirada xildhibaanada oo isku dhow iyo saxaafadda oo banaanka loo saarey

Image

November 24, 2014 (GO)- Wararka naga soo gaaraya hoolka shirarka ee Baarlamaanka Dowlada Federaalka ayaa sheegaya inay isku dhowdahay tirada xildhibaanada mooshinka diidan iyo kuwa soo gudbiyey ee soo xaadiray fadhiga maanta.

Dhanka kale fowdo iyo buuq ayaa weli kasii soconaya xarunta baarlamaanka iyadoo la arki karo tobanaan boolis ah oo goobta ku sugan si hadii xaaladu faraha ka baxdo ay u xakameeyaan.

Gudoomiyaha baarlamaanka ayaan weli soo gaarin xarunta baarlamaanka iyadoo qorshuhu ahaa inuu yimaado marka saacadda geeska Afrikada bari tahay 9:000 subaxnimo.

Jawaari oo maalmo kahor warbaahinta la hadley wuxuu sheegay in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono xildhibaankii isku daya inuu kulanka maanta fowdeeyo.

Faah faahin dheeri ah dib ayaan idiinka soo gudbin doonaa...

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan firaaq amni kadib go'aanka Mareykanka

Mareykanka ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay December 2026 jarayo lacagtii uu ku bixin jiray howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 11:38AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tacsi ugu tegay Amiirka Qatar geerida Amiirkii hore

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Ku-xigeenka Amiirka Qatar, Sheekh Cabdulla bin Xamad Aal Thaani.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 05:13AM