Todoba qof oo dumar ah oo maanta degmada Tiyeeglow lagu diley

Image

December 10, 2014 (GO)- Todoba haween ah ayaa maanta siyaabo kala duwan loogu diley degmada Tiyeeglow ee gobolka Bakool.

Labo ka mid ah haweenkaas oo ahaa xaasaska askar ka tirsan ciidamada dowladda waxaa guryahooda kala baxay kadibna duleedka Tiyeeglow ku gowracay mileeshiyaad ka tisan Al-shabaab.

Intaas kadib askari ayaa bartamaha Tiyeeglow ku diley shan dumar ah oo la sheegay inay ahaayeen xaasaska saraakiil ka tirsan Al-shabaab.

Askariga dilka geystey oo daqiiqado kadib boolisku gacanta ku dhigeen, waa mid kamid ah labada askari ee xaasaskooa Al-shabaabku toogteen.

Xaaladda Tiyeeglow ayaa xiligan aad u kacsan, waxayna dadku aad u hadal hayaan falkan oo ah mid ku cusub dhegaha bulshada.

Tiyeeglow waxaa ku hareeraysan mileeshiyaadka Al-shabaab iyagoo diiday in magaaladaas wax gaadiid ahi u gudbaan.

Dhowaan deegaano hoos taga degmada Buuloberde ee gobolka Hiiraan waxaa lagu gubey dhowr guri oo xubno Al-shabaab ka tirsani leeyihiin, falkaasoo aargudasho u ahaa dilka ganacsade  kooxdaasi gowracdey kadibna gurigiisa iyo gaarigiisana la gubey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo Baaq Nabadeed u Dirtay Hindiya iyo Pakistan xilli Xiisaddu Kacsan Tahay

Xiisadda ayaa cirka isku shareertay kadib weerar ka dhacay magaalada Pahalgam ee ku taalla Kashmir ee ay maamusho Hindiya.

  • Soomaliya

    05-05-2025

  • 09:22AM

Hubanti La'aan hareysay Shirka Wadatashiga Qaranka Kadib Dib-u-Dhacyo iyo Ka-Qaybgal La’aan

Dhinaca kale, madaxda Puntland iyo Jubbaland ayaa si rasmi ah u caddeeyay inaysan shirka ka qaybgalaynin.

  • Soomaliya

    05-05-2025

  • 08:44AM