Torun: Farmaajo waa in uu la yimaado biseyl siyaasadeed

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha waqtiga kasii dhacayo Farmaajo waa in uu is-mari-waaga doorashooyinka 2020-21 ku maareeyaa biseyl siyaasadeed si dalka uga badbaado isku-dhac, sidda uu taliyey diblumaasi sare.

Kani Torun, danjirihii hore ee Turkiga u fadhiyey magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho, ayaa Khamiista maanta wuxuu carabka ku dhuftey in Soomaaliya aysan u baahneyn isku-dhac bedelkeedna mudan tahay isu-tanaasul.

"Waxaan rajeynayaa in Farmaajo uu muujin doono biseylka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed soo bandhigeen doorashooyinkii 2012 iyo 2016. Soomaaliya waxay u baahan tahay tanaasul, uma baahna iska-hor-imaad," ayuu kusoo qoray ciwaankiisa bogga Twitter-ka.

Dhakhtarkan ku xeeldheer physics-ka ayaa qoraal ka dhawaajiyey xilli uu ka falcelinayey xirnaanshiyaha waddooyinka Muqdisho ee maanta iyo jahwareerka siyaasadeed ee waddanka u wajahayo coddeynta 2020-21 awadeed.

Dhawaqa Torun ayaa kusoo aadaya maalin kadib markii Midowga Murashaxiinta ay ugu baaqeen xukuumadda Ankara in ay hakiso deeq hub ah oo lagu waddo in ay dhowaan kasoo dejiso Muqdisho taasoo loogu talagalay bileyska.

Sidoo kale, wuxuu hadalka siyaasigan aadka ugu dhow madaxweyne Recep Tayib Erdogan kusoo aadayaa iyadda oo Murashaxiinta ay sidoo kale ka banaanbaxeen kulan safiirka Turkiga la yeeshay guddoonka guddiyada la isku haysto.

Qoraal wadajir ah ayay murashaxiinta cod dheer uga dalbadeen Turkiga in uusan baalmarin mowqifka dhexdhexaadnimadda ee Beesha Caalamka.

Turkiga oo galaangalka siyaasadeed ku leh saaxadda Soomaaliya ayaa gacansaar dhow la leh dowladda waqtiga kasii dhacayo ee Farmaajo kaasoo u hanqaltaagaya in uu difaacdo kursigiisa balse wajahaya ololaha abaabulan oo liddi ku ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Safiir Hore oo Mareykan ah: Soomaaliya Waxaa Hortaagan Qabyaalad iyo Khilaaf Siyaasadeed

Digniinta Andre ayaa ku soo beegmeysa xilli ay Soomaaliya wajahayso marxalad kala guur ah, doorashooyin soo socda iyo xaalad amni oo wali aad u liidata.

  • Soomaliya

    29-05-2025

  • 02:48PM

Mareykanka oo Digniin Adag usoo Diray Madaxweyne Xasan Sheekh 

Waxaa sidoo kale laga digay in taageerada beesha caalamka ay lunto haddii aan la muujin isbeddel dhab ah.

  • Soomaliya

    28-05-2025

  • 04:53PM