TPEC oo lagu wareejiyay qalab looga hortago COVID-19

Image
Image
Image
Image
Qalabkaan ayaa la gayn doonaa degmooyinka ay ka dhacayaan doorashooyinka golayaasha degmyooyinka ee horu dhaca ah.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasaaradda caafimaadka Dawlada Puntland ayaa maanta kala wareegtay hay’adda caafimaadka Aduunka WHO qalabka looga hortago covid19, kaasi oo loogu talagay in la isticmaalo waqtiga doorashooyinka horu dhaca ah ka dhacayaan degmooyinka Qardho, UFayn iyo Eyl.

Abdirisaaq Abshir Xirsi, Agaasimaha caafimaadka asaasiga ah ahna kusimaha agaasimaha guud ayaa qalbka kala wareegay madaxa WHO Puntland.

Agasimaha ayaa uga mahadceliyay WHO qalabkaan ay soo gaarsiiyeen wasaaradda waqtigan muhiimka ah, waxa uu xusay in wasaaradduna qalabkaan iyo mid kale oo ay ku kordhiso ku wareejin doonto guddiga KMG doorashooyinka Puntland TPEC.

Isla goobka qalabka lagu wareejiyay ayaa agaasimuhu waxa uu qalabkii ku wareejiyay xoghayaha guud ee guddiga KMG doorashooyinka Puntland Marwo Ubax Abshir ayaa kala wareegtay.

Qalabkaan ayaa la gayn doonaa degmooyinka ay ka dhacayaan doorashooyinka golayaasha degmyooyinka ee horu dhaca ah.

Wasaaradda ayaa guddiga kmg doorshooyinka kala shaqaynaysa dhanka caafimaadka gaar ahaan xaga doorashooyinka, horay ayay wasaaraddu degmooyinka ugaysay gaari Ambulus ah iyo kooxo caafimaad oo la soconayay isku soo baxyada ururada hadii khatar caafimaad timaado.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka Soomaaliya oo diiday jadwalka doorashooyinka 2027, kuna tilmaamay hannaan hal dhinac ah

Sida ku cad jadwalka uu guddigu shaaciyay, doorashooyinka labada aqal ee baarlamaanka federaalka ayaa la qaban doonaa 15-ka Abriil 2027.

  • Soomaliya

    15-10-2026

  • 12:20PM

Villa Somalia oo shaacinaysa jadwalka doorashada federaalka ee 2027, iyadoo aan heshiis siyaasadeed laga gaarin

Sida ay wararku sheegayaan, jadwalka la diyaariyay ayaa dhigaya in doorashada federaalka lagu qabto muddo 180 maalmood ah.

  • Soomaliya

    14-10-2026

  • 02:17PM