Trump oo Ku Hanjabay inuu dhalashada kala noqon doono Soomaalida lagu helo falal khiyaano ah

Image

DETROIT, Maraykanka – Madaxweyne Trump ayaa shaaca ka qaaday qorshe cusub oo maamulkiisu uu dhalashada ugala noqonayo dadka dhalashada Maraykanka qaatay ee u dhashay Soomaaliya iyo dalalka kale, haddii lagu helo inay khiyaameeyeen muwaadiniinta dalkaas.

Isagoo khudbad ka jeedinayay ururka dhaqaalaha ee Detroit (Detroit Economic Club) maalintii Talaadada ee shalay, ayuu Trump si gaar ah magaca Soomaaliya ugu soo qaatay digniintiisa ku aadan dadka galaya dambiyada la xiriira khiyaanada.

"Waxaan sidoo kale kala noqon doonnaa dhalashada muwaadin kasta oo dhalashada dalka qaatay (naturalized immigrant) oo ka yimid Soomaaliya ama meel kasta oo kale, kaas oo lagu helo isagoo muwaadiniinteena khiyaameeyay," ayuu yiri Trump.

Madaxweynaha ayaa fariin adag u diray dadka soo-galootiga ah ee ku lug leh falalka dambiyada ah, isagoo caddeeyay in tallaabo adag laga qaadi doono.

"Haddii aad Ameerika u timaado inaad dhacdo dadka Ameerikaanka ah, waxaan kugu tuuraynaa xabsi, waxaana dib kuugu celinaynaa meeshii aad ka timid," ayuu raaciyay hadalkiisa.

Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo la xoojinayo nidaamka socdaalka iyo amniga gudaha ee Maraykanka, wuxuuna walaac ku abuuray bulshooyinka soo-galootiga ah, gaar ahaan Soomaalida ku nool Maraykanka oo uu magacooda si gaar ah u xusay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo warka soo saartay Xaaladda Soomaaliya

Goluhu wuxuu ansixiyey Siyaasadda daboolida kharashaadka Adeegyada Caafimaadka - oo Golaha ay usoo gudbisay Wasaraadda Caafimaadka.

  • Soomaliya

    16-04-2026

  • 11:58AM

Villa Somalia oo go'aan ka gaartay qofka noqonaya Madaxweynaha xiga ee Koonfur Galbeed

Heshiiskan cusub ayaa loo arkaa mid si weyn u beddeli doona jihada siyaasadeed iyo nabadgelyo ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    16-04-2026

  • 05:04AM