Trump oo Safiir cusub usoo magacaabay Soomaaliya

Image

WASHINGTING, USA - War-qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha dalka Mareykanka, Donald Trump, ayaa waxaa lagu magacaabay Danjiraha cusub ee maamulka Washington u fadhin doona Soomaaliya.

Donald Yamamoto, ayaa loo magacaabay Safiirka cusub ee Mareykanka u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, isagoo horey usoo qabtay qaranka Mareykanka shaqooyin badan oo dhanka Diblumaasiyadda ah.

Wuxuu soo noqday Wakiilka gaarka ah ee Mareykanka u fadhiya Itoobiya intii u dhaxeysay 2006 ilaa 2009-kii, waxaa kale oo uu danjire ka noqday dalka Jabuuti oo uu ka shaqeynayay intii u dhaxeysay 2000 ilaa 2003dii.

Yamamoto, ayaa sidoo kale soo noqday xubin ka tirsan Waaxadda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka u qaabilsan Arrimaha Afrika, halkaasoo uu ka ahaa Diblumaasi sare oo dhanka Afrika qaabilsan.

Shaqadii ugu dambeysay ee uu soo qabto waxay ahayd booqasho uu dhawaan ku kala tagay dalalka Jabuuti, Eritrea iyo Itoobiya, xili ay ku wehlinayeen Wafdi ballaaran.

Ujeedka loogu soo magacaabay Donald Yamamoto, safiirka Soomaaliya ayaa lagu macneeyay inay tahay buuxinta Safaaradaha Mareykanka ku leeyahay calaamka ee qaarkood banaan.

Bishii October ee sanadkii 2017-dii ayay ahayd markii Danjirihii Mareykanka fadhiyay Soomaaliya ee Stephen Schwartz uu is-casilay, isagoo sababta ku sheegay inay tahay arrimo la xiriira wax isaga gaar u ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM

Museveni oo Farta ku Fiiqay Sababta ugu weyn Khilaafaadka Soomaaliya, Baaqna u Diray Hoggaanka Dalka

Museveni ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu Madaxtooyada Entebbe kula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 08:55AM