Ciidamo ka tirsan AMISOM oo Cadaado la geynayo

Image

March 20, 2015 (GO)- Ciidamo ka tirsan kuwa nabad ilaalinta ee AMISOM ayaa la filayaa in ay maanta gaaraan degmada Cadaado ee gobolka Galguduud.

Ciidamadan oo tiradoodu dhowr boqol gaareyso kana tegeya dhanka magaalada Beledweyn waxay isugu jiraan Jabuutiyaan iyo Itoobiyaan.

Guddoomiyaha guddiga farsamada shirka ka socda Cadaado Cuuke Xaaji Cabdiraxmaan oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa warkan xaqiijiyey.

Ujeedada arintan ka dambeysa mar la weydiiyey wuxuu sheegay inay tahay sidii ay u sugi lahaayeen ammaanka magalaada, maadaama uu halkaas ka soconayo shirka maamul u sameynta gobollada dhexe.

Wufuud tiro badan  oo ka socda Dowladda Federaalka, Qaramada Midoobey iyo wadamada deriska ayaa lagu wadaa in todobaadka soo socda ay Cadaado gaaraan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Daahfurtay Siyaasadda Daboolidda Kharashaadka Adeegyada Caafimaadka

Munaasabadda daahfurka waxaa ka qeyb galay wasiirrada maaliyadda, qorsheynta iyo haweenka, wasiir ku-xigeenka caafimaadka.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 01:29PM

Khilaafkii Museveni iyo Xasan Sheekh oo Saameyn Ku Yeeshay Xiriirka Labada Dal - XOG

Ilo wareedyadu waxay sheegeen in xiriirka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 09:02AM