Ciidamo ka tirsan AMISOM oo Cadaado la geynayo

Image

March 20, 2015 (GO)- Ciidamo ka tirsan kuwa nabad ilaalinta ee AMISOM ayaa la filayaa in ay maanta gaaraan degmada Cadaado ee gobolka Galguduud.

Ciidamadan oo tiradoodu dhowr boqol gaareyso kana tegeya dhanka magaalada Beledweyn waxay isugu jiraan Jabuutiyaan iyo Itoobiyaan.

Guddoomiyaha guddiga farsamada shirka ka socda Cadaado Cuuke Xaaji Cabdiraxmaan oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa warkan xaqiijiyey.

Ujeedada arintan ka dambeysa mar la weydiiyey wuxuu sheegay inay tahay sidii ay u sugi lahaayeen ammaanka magalaada, maadaama uu halkaas ka soconayo shirka maamul u sameynta gobollada dhexe.

Wufuud tiro badan  oo ka socda Dowladda Federaalka, Qaramada Midoobey iyo wadamada deriska ayaa lagu wadaa in todobaadka soo socda ay Cadaado gaaraan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM

 Xasan Sheekh: Mucaaradka ma leh aragti mideysan, waana kala jabay

Isaga oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday magaalada Dhusamareb, caasimadda dowlad-goboleedka Galmudug.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 12:46PM