Turkiga oo dalalka Afrika ka caawinaya ka hortagga Ebola

Image

January 26, 2015 (GO)- Madaxweynaha Turkiga Rajep Dayyib Erdogan ayaa ka hadlay caabuqa halista ah ee EBOLA oo saamayn adag oo caafimaad ku yeeshay dalal ka tirsan Qaaradda Afrika, wuxuuna balan-qaaday in ay Afrika caawin doonaan.

Erdogan oo shalay booqday magaalada Muqdisho, wuxuu sheegay in dowladiisu ay taageero siinayso dalalka Afrika ee uu EBOLA saameeyey, si loo hakiyo halista.

Wuxuu sheegay in ay si gaar ah u caawin doonaan dalalka ay mashaariicda horumarineed ka wadaan oo ay Soomaaliya ugu horayso, iyadoo ujeedaduna tahay in laga hortago xanuunka oo ka jira dalalka galbeedka Afrika oo qaarkood ciidamo ka joogaan Soomaaliya.

Erdogan wuxuu Balanqaadkan sameeyey xili uu shalay xarriga ka jaray mashaariic dhisme iyo kuwa caafimaad oo ay ka fuliyeen Muqdisho Soomaaliya. Cisbitalkii hore loo oran jiray Digfeer hadase ah Ergogan Hospital oo la dhisay lana horumariyey adeegyadiisa ayaa ka mid ah mashaariicdaas.

Bariga Afrika ayaa safka hore kaga jira meelaha cabsida ka qaba inuu ku soo faafo EBOLA, adeegyadooda caafimaad oo hooseeya iyo isu-socodka ay la leeyihiin Afrikada kale oo badan darteed. In ka badan 8000 oo qof ayaa cudurka ugu geeryiooday galbeedka Afrika gaar ahaan dalka Sierra Leone.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal ka dhacay duleedka Baydhabo oo u dhexeeyay ciidanka DFS iyo kuwo taabacsan Laftagareen

Laftagareen ayaa xilka laga tuurey 30-kii Maarso 2026, kadib toddobaadyo ay jireen ismariwaayo siyaasadeed iyo isku hor imaadyo militari.

  • Soomaliya

    22-05-2026

  • 11:28AM

Midowga Afrika oo ugu baaqay Xasan Sheekh iyo Mucaaradka in ay dib ugu laabtaan wada-hadallada

Bayaan kasoo baxay guddiga ayaa lagu ammaanay labada dhinac sida ay ugu diyaar garoobeen wada-hadal toos ah.

  • Soomaliya

    22-05-2026

  • 11:08AM