Turkiga oo loo jeediyey eedeyn la xiriirta Soomaaliya

Image

ANKARA, Turkey – Inkasta oo masaafada u dhaxeysa Soomaaliya iyo Gariiga ay tahay 4,500 KM, Soomaalida ayaa socdaal hawada ku tegaya Turkiga si ay Gariiga uga talaabaan Jaziiradaha Evros, sidda uu wariyey bogga Proto Thema.

Mas'uuliyiinta Gariiga ayaa rumeysan in sarre u kac weyn ay ka dareemayaan tiradda Soomaalida sidda sharci darada ah ku galeysa Jaziiradaha Aegean.

Sidda ay ku warantay saxaafadda maxaliga, in ka badan 214 qaxooti ah oo tan iyo bilowgii November galay Lesvos waxay 142 kamid ahaayeen Soomaali.

Saraakiisha socdaalka Gariiga ayaa aaminsan in dadkan ay soo tahriibeen ayaga oo taageero ka helaya mas'uuliyiin Turki ah, wallow aysan magacaabin.

Wasiirka Socdaalka iyo Magangalyadda Gariiga, Notis Mitarachi, ayaa tibaaxay in ay hayaan caddeymaha in Turkiga fududeeyo tahriibka Somaalida.

"Waxaan haynaa macluumaadka in NGOs-yo ay Soomaalida fiisaha ku gasha siiyaan tikidhada kana soo degaan garoonka diyaaradaha Constantinople halkaasna kasoo daadgureeyaan diyaarado Turki ah kuwaasoo kadib u soo dhoofiya Smyrna iyo xeebaha Turkida si ay Gariiga ugu talaaban," ayuu yiri.

Sidda laga soo xigtay wasaaradda Socdaalka iyo Arrimaha Magangalyadda Gariiga, khidmada lagu bixiyo fiisaha Turkiga waa 1,500 Yuuroo qofkiiba; balse ay cadadkaas bixiyaan hay'addo fadhigoodu yahay magaaladda Muqdisho.

"Kooxo ka kooban 6 illaa 15 ayaa loo qaadaa xeebta Turkiga ee ku dhow Lesvos iyo Samos kadiba waxaa halkaas kasoo daad-gureynaya doonyo kusoo fool leh Jaziirada Galbeedka ee Gariiga," ayay wasaaraddu ka dhawaajisay.

Gariiga ayaa aalaaba wuxuu ku dhaleeceeyaa Turkiga in uu arrimaha qaxootiga u adeegsado hub uu ku cadaadiyo Midowga Yurub si uu taakulo uga helo.

Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ayaan wali ka jawaabin eedeymahan culus. Xiriiro lala sameeyay xukuumadda federaalka, wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga iyo safaarada Turkiga ee xarunta Muqdisho ma aysan guuleysan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Safiir Hore oo Mareykan ah: Soomaaliya Waxaa Hortaagan Qabyaalad iyo Khilaaf Siyaasadeed

Digniinta Andre ayaa ku soo beegmeysa xilli ay Soomaaliya wajahayso marxalad kala guur ah, doorashooyin soo socda iyo xaalad amni oo wali aad u liidata.

  • Soomaliya

    29-05-2025

  • 02:48PM

Mareykanka oo Digniin Adag usoo Diray Madaxweyne Xasan Sheekh 

Waxaa sidoo kale laga digay in taageerada beesha caalamka ay lunto haddii aan la muujin isbeddel dhab ah.

  • Soomaliya

    28-05-2025

  • 04:53PM