​Turkiga oo soo gaba-gabeeyay Dhismaha Saldhigiisa Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia- Turkiga ayaa saldhig Milatari oo weyn ka dhisanaya caasumadda Somalia ee magaalada Muqdishu, kasoo dhismihiisu muddo ka socday halkaas islamarkaana la doonayo in lagu tababaro ciidamada Somalida.

War kasoo yeeray safaaradda Turkiga ee Muqdishu, ayaa lagu sheegay in dhismahaas lasoo afmeeray, xilli waddankaas uu maanta u dabaal dagayo sannad guuradii kasoo wareegtay markii uu fashilmay Af-gambigii lagu raadinayay in xilka looga tuuro Madaxweyne Erdogan 15 July, 2016.

Safiirka Dowladda Turkiga u fadhiya Somalia Olgan Baker oo Saxaafada kula hadlay Magaalada Muqdishu ayaa sheegay in ay soo gabagabeyeen dhismaha Saldhigaas islamarkaana Bisha Ogoosto ay qorsheynayaan in ay keenaan Saraakiishii tababarka ku bixin laheyd Saldhigaas.

Waxa uu sidoo kale hadalkiisa ku daray in Bisha September ee Sanadkaan ay xariga ka jari doonaan xaruntaas, balse haatan Saraakiil ka tirsan Turkiga ay sihoose u bilaabi doonaan ciidan.

Hadalkaan ayaa Safiirka waxa uu sheegay xili shalay Wariyaasha uu la qaatay kulan Su'aalo weeydiin ah kaas oo looga hadlayay Sanad kadib Afgembigii fashilmay ee ka dhacay dalkaasi Turkiga.

Xukuumadda Ankara ayaa dadaal dheer ku bixisay taageerada Somalia, waxaana dhowr jeer booqasho ku tagay Madaxweynaha hadda talada Haya Reccep Erdogan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM