Turkiga oo Soomaaliya "keenay" diyaarado drones ah

Image
Xukuumadda Ankara ayaa lagu tartarsiiyey in ay hubiso waxa loo adeegsanayo diyaaradahan.

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Turkiga ayaa Soomaaliya keenay diyaarado drones ah xilli dalka uu ku jiro xaalad kala guur ah oo loo diyaar-garoobayo doorashooyin si weyn dib ugu dhacay, sida uu shaaciyey musharax madaxwayne.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir oo qoraal ku daabacay ciwaankiisa gaarka ah ee Facebook-ga, ayaa xusay in saraakiil loo tababarayo qaabka loo kaxeeyo diyaaradahan.

Sida laga soo xigtey Warsame, xukuumadda Ankara waa in ay hubisaa waxa loo adeegsanayo diyaaraddan maadaama madaxda haatan arimnaysa uu waqtigoodu dhacay.  

"Muddo xileedkii sharciga ahaa ee madaxda dowladda wuu dhammaaday. Go’aannada dagaalka ciidanka iyo amniga loogama amar qaadan karo cid aan sharciyad haysinin," ayuu ka dhawaajiyey siyaasigan mucaaradka ah.

Wuxuu raaciyey: "Dowladda Turkiga ee aan walaalaha nahay waa in ay hubiyaan waxa loo adeegsanayo darooniska (drones)ka ay dalka keeneen, saraakiisha loo tababarayo, waana in ay hubiyaan in aan dano shakhsi ah iyo dagaal aan midka argagexisada ahayn loo adeegsanin".

"Maaddaama uu macallinka seddax geesoodka uu mid qur ah yahay, ficilka, tabta iyo fulinta ardayda waa isku mid. Sidoo kale laacibitiinka gobolka iyo kuwa dowliga ah ee ku lugta leh," ayuu kusoo gabagabeeyay hadalkiisa.

Dhawaqa Warsame ayaa kusoo hagaagaya xilli dhowaan ay hay’adda sirdoonka Soomaaliya sheegtay in ay garoonka diyaaradaha Muqdisho ka qabatay drones ah uu kalkii dambe sheegtay sharci-dejiye Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM