​Turkish Airline oo duulimaadkeeda Muqdishu dib u bilowday

Image
Image
Image

MUQDISHU- Diyaaradda laga leeyahay dalka Turkiga (Turkish Airline), ayaa maanta muddo kadib soo caga dhigatay magalada Muqdishu xarunta Somalia iyadoo waday rakaab kuwa kalena u qaatay magaalooyinka Jabuti iyo Istanbul.

02 Febraayo, 2016 ayaa diyaaraddan duulimaadkeeda Somalia hakisay sababo amni darteed, kadib markii la qarxiyay Daalo Airline oo Jabuti ku sii jeeday.

Qaraxaasi oo ay ka dambeeyeen ururka Shabaab, ayaa lala damacsanaa Turkish Airline oo ah diyaaradda kaliya ee caalami ah Muqdishu timaada.

Xilliga weerarkaasi dhacay diyaaraddan ayaa joogtay Jabuti, waxayna dalbatay in rakaabka loogu keeno dalka Jabuti, kadib markii ay heshay xog ku saabsan xaaladda amniga.

Wadahadallo dhexmaray mas'uuliyiin katirsan labada dal ayaa keentay inay dib u bilaabaan shaqadooda Somalia, waxaase la adkeeyay ammaanka garoonka Aadan Cadde iyadoo baaritaano xooggan lagu samaynayay dadka ka dhoofaya.

Qaraxii daalo oo loo adeegsaday Laptop, ayaa saamayn ku yeeshay duulimaadyada kala duwan ee Somalia, waxaana dadka safrayaa la kulmaan baaritanno xooggan kuwaasi mararka qaybtood keenay inay ka haraan duulimaadka sababo la xiriira aaladaha ay wadaan ee ku dhex shaqayn waaya garoomada.

GAROWEONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM