Ubucda damaca Farmaajo iyo Fahad ee doorashada 2020-21

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ajendaha qaran ee haatan lagu lafaguray marsaxa siyaasadda Soomaaliya waa doorashooyinka 2020-21 kuwaasoo madmadow uu ku jiro hadii waqtigooda ugu dhacayaan qaab xor iyo xalaal ah.

Mas'uuliyadaas in ay si wanaagsan u gudan doonan madaxda mudada yar ay u hartay uguna horeeyo madaxweyne Farmaajo ayaa su'aal ka taagan tahay maadaama ay dhankooda doonayaan in ay soo laabtaan.

Farmaajo iyo taliyaha hay'adda nabad-sugida, Fahad Yaasiin Daahir, ayaa qaadey talaabooyin ay dhabaha ugu xaarayaan qorshahooda kuwaasoo sababi kara qalalaase siyaasadeed iyo mid amni oo uu dalka galo.

Afduubka doorashooyin

Bilooyinkii lasoo dhaafay, maamulka Farmaajo ayaa dhaqangeliyey siyaasad uu ku afduubtay qaar kamid ah doorashooyinkii madaxtinimada Koonfur Galbeed, Galmudug iyo HirShabelle, wallow qaarka kale uu ku fashilmay.

Hogaanka waddanka ayaa talaabooyinkaas ugu diyaar-garoobayey in uu ku hareereeyo doorashooyinka qaranka isla markaana kusoo laabto.

Marka laga reebo coddeynta HirShabelle, cod-bixinta labada maamul kale waxaa ku daatay dhiig. Balse waxay dhamaantooda ka siman yihiin boobka iyo laaluush bixinta oo lagu qiyaasayo boqolaal kun Doolar-ka Mareykanka ah.

Dhabihii Dhuusamareeb

Bartamihii June, madaxweyne Farmaajo wuxuu Muqdisho ku casuumay madaxda maamuladda. Balse way diideen waxayna dhexdooda ku kulmeen Dhuusamareeb, halkaasoo ay aakhiritaankii ugu yeeray madaxda dalka.

Wejiga koowaad ayaa soo dhamaadey iyaddoo aan wax heshiis ah la gaarin. Puntland iyo Jubaland way diideen in ay ku laabtaan wejiga labaad iyaga oo cuskaday "in madaxda dowladda aysan daacad ka ahayn wadahadalka".

Qodobada ugu waaweyn ee la isku hayay waxaa kamid ahaa doorasho qof iyo cod [oo kalkii dambe uu ka tanaasulay Farmaajo oo la wariyey in uu ku dheganaa] iyo qadiyadda gobolka oo illaa haatan wali miiska saaran.

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa wadahadalka sii wadday ayadda oo ay maqan yihiin Puntland iyo Jubaland iyaddoo Farmaajo wehliyaan maamulada taabacsan soo saartey wax loogu yeeray heshiis siyaasadeed.

Kadib dedaalo ay sameeyeen wakiilada Beesha Caalamka, madaxda ayaa bishii September isugu tagtay Muqdisho halkaasoo uga wadaxaajoodeen qodobada la isku hayo soona saarey heshiis ku aadan doorashadda.

Qalalaasaha guddiyadda

Heshiiskaas wuxuu xeerinayaa geedi u socodka doorashooyinka iyo habraaca loo marayo waxaana qodobadda ku jira kamid ah qaabka loo dhisayo guddiyadda maamulaya coddeynta oo haatan muran uu ka jiro.

Maamulka Farmaajo ayaa jebiyey heshiiska markii uu Galmudug, Koonfur Galbeed iyo HirShabelle ku riixay in xubnaha ku metalaya guddiyada kusoo daraan askar, shaqaale dowladeed iyo jamaahiirta Villa Soomaaliya.

Midowga Murashaxiinta oo talaabadaas ku qeexay "isku day la doonayo in lagu boobo doorashooyinka soo aadan" ayaa ku goodiyey in ay qaadayaan talaabo hadii madaxda ku adkeysato hanaanka "ku shubashadda".

Is-mari-waaga ayaa wali taagan, waxaana daneeyeyaasha maxaliga iyo kuwa caalamiga ah ay ku baaqayaan in wada-ogol lagu helo sidda ugu dhaqsiyaha badan si waqtiga uusan u dhamaan iyadda oo khilaafka jiro.

Xubnaha lagu muransan yahay ayaa ka kala tirsan Guddiyadda doorashooyinka heer Qaran, heer dowlad goboleed iyo xulista wakiilada Somaliland. Kala dirida waa xalka ugu wanaagsan ee dalka uga badbaadi karo qalalaase.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo loogu soo dhaweeyey Magaalada Nairobi

Safarka Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku qotoma adkaynta xiriirka labada dal, iyo horumarinta iskaashiga.

  • Soomaliya

    06-05-2024

  • 09:15AM

Ra'iisul Wasaare Xamse oo booqasho ku tagaya waddanka Kenya

Socdaalkan ayaa imaanaya xilli uu Nairobi ka socdo shirka 3-aad ee Guddiga Wadajirka ah ee Iskaashiga Kenya iyo Soomaaliya.

  • Soomaliya

    06-05-2024

  • 04:55AM