Uganda oo ku dhawaaqday ka bixitaanka Soomaaliya kadib howlgal qaatay ku dhawaad 20 sano
KAMPALA, Uganda — Uganda ayaa sheegtay inay qorsheyneyso inay si buuxda uga baxdo Soomaaliya, kadib ku dhawaad 19 sano oo ay ka qeyb qaadatay howlgalada nabad ilaalinta ee ka socda dalkaas, tallaabo ka dhalan karta saameyn ballaaran oo ku saabsan amniga gobolka iyo dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab.
Bayaanka gaaban ee Gen. Muhoozi Kainerugaba, Taliyaha Guud ee Ciidamada Difaaca Uganda, oo lagu daabacay bartiisa X Axaddii, ayaa sheegay in howlgalka milatari ee Uganda ee Soomaaliya uu si rasmi ah u dhamaaday, isla markaana la bilaabay diyaar-garowga ka bixitaan buuxa. “Kadib 19 sano oo aan ku sugneyn Soomaaliya, waxaan qorsheyneynaa inaan si buuxda uga baxno dalkaas waqti dhow,” ayuu yiri Muhoozi, isaga oo aan bixin faahfaahin dheeraad ah ama jadwal cad.
Ciidamada Uganda ayaa ah kuwa ugu tirada badan ee ka tirsan Howlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM), waxayna door muhiim ah ka ciyaareen sugidda xarumaha muhiimka ah ee dowladda, sida Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aden Adde, Dekedda Muqdisho iyo goobaha istaraatiijiga ah ee caasimadda. Tirada askarta Uganda ee ku sugan Soomaaliya ayaa lagu qiyaasaa 5,000 ilaa 6,000.
Uganda ayaa ahayd tiir-dhexaad ka mid ah dadaallada caalamiga ah ee nabad ilaalinta Soomaaliya tan iyo 2007, markaas oo ay noqotay dalkii ugu horreeyay ee ciidamo u diro howlgalka Midowga Afrika. Sannadihii la soo dhaafay, ciidamada Uganda waxay bixiyeen hoggaan sare oo milatari, gacan ka geysteen dib u riixidda Al-Shabaab, isla markaana ka taageereen dhismaha hay’adaha ammaanka Soomaaliya.
Ma jiro jadwal rasmi ah oo lagu shaaciyay ka bixitaanka, mana jiraan wax faallo ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya ama Midowga Afrika oo ku saabsan sida bixitaanka Uganda loo maareyn doono iyo saameynta ay ku yeelan karto howlgalka AUSSOM iyo xaaladda amni ee weli nugul ee dalka.
Ku dhawaaqistan ayaa imaanaysa xilli AUSSOM ay wajahaysa caqabado dhaqaale oo sii kordhaya. Howlgalka, oo bilaabmay waajibaadkiisa cusub 1-da Janaayo 2025, ayaa la daalaa dhacaya miisaaniyad yari iyo ballanqaadyo dhaqaale oo xaddidan.
Midowga Yurub ayaa hoos u dhigay taageeradiisa, halka Maraykanka uu hakiyay lacagta uu bixin jiray sababo la xiriira qeybsiga mas’uuliyadda, taasoo ka dhigtay Midowga Afrika inuu dhibaato kala kulmo daboolidda kharashaadka hawlgalka iyo deymaha loo qabo dalalka ciidamada ka qaybgalay.
Tallaabadan Uganda qaadey ayaa laga yaabaa inay horseedo isbeddel weyn oo ku yimaada howlgalada nabad ilaalinta Soomaaliya, iyadoo falanqeeyayaashu ay ka digayaan in ka bixitaankan uu kordhin karo khatarta Al-Shabaab iyo xasillooni-darrada gobolka.
GAROWE ONLINE