Uganda: Waxaan howlgal ku dilnay 189 Al-Shabaab ah

Image

KAMPALA, Uganda – Taliska Ciidamadda Uganda ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa guulo weyn ka sheegtay howlgal ay ku ekeeyeen goob ay ku sugnaayeen maleyshiyadda Al-Shabaab.

Deo Akiiki, afhayeen u hadlay ciidanka Uganda ee ka tirsan AMISOM, ayaa shaaca ka dhigtay in howlgalkooda ay ku beegsadeen degaanka Siigaale oo ay tibaaxeen in uu 100 KM u jiro magaala madaxda dalka ee Muqdisho.

Howlgalkaas dhacay Jimcadii ayaa, sidda laga soo xigtay afhayeenka, waxay ciidamadda Uganda ku khaarijiyeen 189 xubno Al-Shabaab ah.

"Sidoo kale, waxaan burburinay agab military oo ay lahaayeen xoogaga hubeysan," ayuu ku daray, isaga oo aan cddeymo soo bandhigin.

Balse, ma uusan soo hadal qaadin waxyeeladda dhankooda kasoo gaarey howlgalkaas uu qeybta ka ahaa Don Nabasa, oo ah taliyaha ciidamadda dhulka ee Uganda, oo kamid dalalka askarta ugu badan ku leh AMISOM.

Ma jiraan illo madax-banaan oo xaqiijinaya sheegashadda Uganda. Sidoo kale, dowladda federaalka iyo Al-Shabaab wali kama hadlin falkaas.

Al-Shabaab ayaa horey waxyeelo daran u gaarsiiyey ciidamadda Uganda ee kamid ah howlgalka AMISOM. Weerar ay ku qaadeen saldhig ay ku yihiin degaanka Janaale ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaana ugu caansan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM