Uhuru oo xaqiijiyay in Al Shabaab ay dishay 9 kamid ah Ciidamada Kenya

Image

NAIROBI, Kenya - Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa xaqiijiyay in 9 Askar oo kamid ahaa Ciidamada difaaca dalkiisa ay ku dhinteen weerar maalintii Axada ka dhacay duleedka degmada Dhoobley, ee gobolka Jubbada Hoose.

Uhuru ayaa sheegay in uu aad uga naxay warka ku saabsan geerida sagaalka Askari oo uu sheegay in lagu dilay weerar argagaxiso oo ka dhacay Soomaaliya, isagoo ku tilmaamay Askarta geesiyaal naftooda u huray nabada Kenya.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka, waxaana uu hoosta ka xariiqay in Ciidamada Kenya ay sii wadi doonaan howlgalkooda Soomaaliya illaa laga ciribtirayo Al Shabaab.

Al Shabaab oo dhakeeda hadashay ayaa sheegay in 15 Askari oo u dhashay dalka Kenya ay ku dishay weerarka oo ahaa mid loo adeegsaday Miino wadada qarkeeda lagu aasay, taasi oo lala eegtay Kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen Ciidamada Kenya.

Qaraxa ayaa bur buriyay mid kamid ah baabuurta Kolonyada, oo kasoo gudbay dhanka xuduuda kuna sii jeeday saldhig ay Ciidamada Keny aku leeyihiin duleedka degmada Dhoobley.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo Beesha Caalamka kala hadlay khilaafka doorashooyinka Soomaaliya

Dhanka kale, mucaaradka ayaa ku baaqaya in marka hore la gaaro is-afgarad siyaasadeed oo loo dhan yahay.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 11:45AM

Xisbiga Towfiiq oo diiday natiijada doorashada Galmudug, kuna eedeeyay guddiga doorashada eex

Guddiga Doorashooyinka ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin eedeymaha Towfiiq ama shaacin in dib loo eegayo natiijooyinka la soo saaray.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 08:23AM