UK oo baaq kasoo saartey sharci horyaala baarlamaanka Soomaaliya

Image
Safiirka dowladda UK ee xuquuqda aadanaha Rita French ayaa sidoo kale waxay ka hadashay Doorashada Sacdiya Samatar.

LONDON, UK - Safiirka dowladda UK ee xuquuqda aadanaha Rita French oo hadal ka jeedisay kulan weyn oo xuquuqul insaanka looga hadlayay, kana dhacay magaalada Ganeva ayaa ka hadashay aragtida dowladda UK ee Soomaaliya. 

Rita ayaa sheegtay in ay ku faraxsantahay in si nabad ah lagu soo gabogabeeyay doorashooyinkii dhowaa ee Soomaaliya, markii ugu horeysayna ay hoggaanka dalka ugu sareeya soo galeen dumarka.

Xilka guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka baarlamaanka ayaa loo doorgay Sacdiya Samatar, inkasta oo qoondadii dumarka ee 30% aanan la xaqiijinin.

Samatar oo laga soo doorto degaaandda maamul goboleedka Puntland ayaa noqotey haweenaydii ugu horeysay ee Soomaaliya ka qabata xil noocaas oo kale ah.

Danjiraha ayaa Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya ugu baaqday in ay dadajiyaan sharciga xuquuqda aadanaha, kan xadgudubyada jingsiga, kan gudniinka fircooniga ah quseeya iyo waliba kan xuquuqda carruurta.

Dowladda Ingiriiska ayay tibaaxdey in ay aad uga walaacsantahay xaaladaha abaarta, iyo weerarada kooxaha argagixisada. Xukuumadda London waxay kamid tahay saaxiibada caalamiga ah ee taageera dowlad-dhiska Soomaaliya.

Maleyshiyaadka Al-Shabaab ayaa ah khatarta ugu weyn ee ammaanka Soomaaliya. Kooxda hubeysan waxay haatan wajahaysaa kacdoon shacab oo ka curtey bartamaha Soomaaliya gaar ahaan xooggiisa uu hada ka soconayo gobolka Hiiraan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM