UK oo "galaan-gal ku yeelaneysa" doorashada Koonfur Galbeed

Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Wafdi balaaran oo ka socday safaaradda Ingiriiska ee Muqdisho ayaa gaarey Magaaladda Baydhabo ee xarunta KMG Koonfur Galbeed, halkaasoo kulamo kula yeesheen mas'uuliyiin ka tirsan maamulka Shariif Xasan Aadan.

Ku simaha Madaxwaynaha Koonfur Galbeed, ahna Wasiirka Amniga, Xasan Xuseen Maxamed [Xasan Eelaay] ayaa soo dhaweeyay Wafdiga UK, waxayna wada qaateen kulan, kaasoo diiradda lagu saaray arrimo fara badan oo doorashooyinka ku qotoma.

Wararka laga helayo kulankaas ayaa tibaabaxay in mas'uuliyiinka ka socday Safaaradda Ingiriiska ay gudbiyeen Xasan Eelaay qodobo ay kamid yihiin cabashooyin ka yimid Murashixiin dhowr ah, oo taagay doorashada Madaxwaynaha maamulkaas.

Sidoo kale, qodobada kulanka lagu faa'qiday waxaa qayb ka ahaa qaabka in doorashada ay noqoto mid daahfuran oo u dhacda si cadaalad, inay waqtigeeda aanan laga dhib-dhig iyo waliba in Murashixiin si siman u qabsadaan Ollalahooda doorashadda.

Xilldhibaano ka tirsan Baarlamaanka KG oo qayb ka ahaa xubnihii dhinaca Koonfur Galbeed ka socday ee kulanka xaadirka ku ahaa ayaa dusiyay Garowe Online in wafdiga UK ka socday ay uga dhigeen mas'uuliyiinta KG inay han-dadaan Murashixiinta.

Warka Xilldhibaanada ayaa kusoo beegmaya xili mudooyinkii dambe ay soo baxayeen warar sheegayay in Murashixiinta doorashada Koonfur Galbeed ay la kulmayaan Hanjabaadyo uga imaanaya maamulka hadda jira, oo doonaya mudo korarsi.

Magaalo madaxda KMG ee maamulka Koonfur Galbeed ee Baydhabo waxaa si xowli ah uga socda Ololaha doorashadda ee maamulkaa curdunka ah, kaasoo degaano fara badan oo hoos-yimaada gacanta ugu jiro xoogaga Al-Shabaab.

Amniga, dhaqaalaha iyo shalaaysiinta ayaa qayb ka ah qodobadda ugu waa wayn ee Murashixiinta ku doonayaa inay ku hantaan quluubta codbixiyaasha oo ah Xilldhibaano, kuwaasoo dhankooda hadda wada qorshe ay Kuraasta ku raadsan lahaayeen.

Warar ayaa sheegaya in hogaamiye ku xigeenkii iyo Afhayeenkii hore ee Al-Shabaab, Mukhtaar Roobow inuu qorsheynayo inuu isku soo taago xilka Madaxtinimada Koonfur Galbeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Howlgalka Nabadda ee Midowga Afrika ee Soomaaliya oo Wajahaya Caqabado Dhaqaale

Masuuliyiinta Soomaaliya ayaa mar kale ku celiyay muhiimadda AUSSOM u leedahay dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    12-05-2025

  • 01:05PM

Dowladda Soomaaliya oo lagu eedeeyay abaabulka kooxo hubeysan oo lagu beegsanayo Lafagareen

Ilo xog-ogaal ah ayaa sidoo kale sheegaya in kulammo gaar ah oo ka dhacay Muqdisho ay qeyb ka yihiin qorshe siyaasadeed.

  • Soomaliya

    12-05-2025

  • 05:39AM