UN-ka oo fahfaahisay wadahadalka Farmaajo iyo Guterres

Image
Farmaajo iyo Guterres

MUQDISHO, Soomaaliya – Xoghayaha guud ee QM António Guterres ayaa khadka taleefonka kula hadlay madaxweynaha Soomaaliya mudo xileedkiisu dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, 11-kii April 2022, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiskiisa. 

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in xoghayaha guud uu garab -istaag u muujiyey Soomaaliya oo wajaheysa weeraro sii kordhaya oo ka imanaya kooxda Al-Shabaab iyo abaaro xooggan.

 “Wuxuu sidoo kale taageero u muujiyey howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ee ATMIS, wuxuuna rajeeyey in Soomaaliya ay awoodi doonto inay amnigeeda xaqiijisato sida ugu dhaqsaha badana uguna macquulsan,” ayaa lagu yiri qoraalka.

António Guterres iyo Farmaajo ayaa sidoo kale ka wada-hadlay doorashada Soomaaliya ee geba-gebada ku dhow, ayada oo la filayo in xildhibaanada cusub lagu dhaariyo magaalada Muqdisho 14-ka bishan April oo ku beegan maalinta Khamiista ah.

“Xoghayaha guud iyo madaxweynaha waxay sidoo kale ka wada xaajoodeen hanaanka doorashada Soomaaliya. Xoghayaha guud ayaa rajeeyey in si deg deg ah loo soo geba-gebeeyo hanaanka doorashada, islamarkaana arrimaha taagan lagu xaliyo wada-hadal,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Wada-hadallada uu António Guterres la yeeshay Farmaajo ayaa kusoo aaday xilli ay jirtay cabsi xooggan oo mucaaradka ay ka muujiyeen in Farmaajo isku dayayo inuu mar kale carqaladeeyo hanaanka doorashada ama sameeyo afgambi maalinta ciidanka xooggan oo ku beegan 12-ka April oo maanta ah.

Midowga Musharaxiinta ayaa qoraal ay shalay soo saareen uga digay in ciidamada qaranka loo adeegsado dano siyaasadeed, sida uu kal hore sameeyay madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday.

Golaha ayaa cadeeyay in xuska 12-ka April uu yahay maalin weyn oo ay tahay in umadda u dabaal-degto, isaga oo ciidamada xooga dalka ugu hambalyeeyay munaasibada aasaaskooda oo ku beegan maanta

Gollaha ayaa ciidanka uga digay in ay qeyb ka noqdaan ama fuliyaan ajandaha guracan ee la damacsan yahay in lagu carqaladeeyo dhaarta xildhibaanada oo loo mudeeyay 14-ka April ee 2022-ka, sida ay hadalka u dhigeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Duqeymaha Cirka ee Mareykanka oo Sare u Kacay Soomaaliya Bilowgii 2026

War-saxaafadeedka AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyntii ugu dambeysay lala beegsaday dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    03-04-2026

  • 09:10AM

Hoggaamiye Ku-meel-gaar ah oo loo magacaabey Maamula Koonfur Galbeed

Magacaabistan ayaa ku soo beegmeysa xilli warar soo baxaya ay tilmaamayaan in Madaxweynaha Soomaaliya.

  • Soomaliya

    02-04-2026

  • 07:53AM