Hogaanka Soomaaliya oo loo diray dalab ku aadan doorashada 2024-25

Image

NEW YORK, USA – Hogaamiyeyaasha Soomaaliya waa in wadahadaladda ay haatan leeyihiin ku xaqiijiyaan in coddeynta 2024-25 ay noqon doonto mid qof iyo cod ah, sidda ay dalbatay Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa.

Dalabkaan ayaa kusoo hagaagaya xilli Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay uu shalay shir ka yeeshey arrimaha Soomaaliya, waxaana warbixin siiyey James Swan, oo ah wakiilka gaarka ah ee UN-ka u fadhiya Muqdisho.

Kulanka Golah Ammaanka ayaa diiradda lagu saarey ammaanka, la dagaalanka Al-Shabaab, doorashooyinka iyo arrimaha bini'aadanimadda.

Swan oo dalabkaas u diray madaxda Soomaalida ayaa sidoo kale wuxuu soo hadal-qaadey is-qabqabsiga ka taagan guddiyada maamulaya doorashooyinka 2020-21, isagoo ku baaqay in is-faham looga gudbo.

"Magacaabida guddiyadda waxay kasoo dib-dhacdey waqtigii lagu balamay [10 illaa 20 October, 2020," ayuu ku daray, isagoo u muuqda mid muujinaya ahmiyadda ay leedahay in la ilaaliyo jadwalka doorashada.

Guddiyadaas waxaa isku-haya dowladda iyo murashaxiinta oo sheegay in guddiyadda ay soo gudbiyeen Galmudug, Koonfur Galbeed iyo HirShabelle lagu soo daray saraakiil sirdoon iyo shaqaale dowladeed.

Diblumaasiga oo si dadban uga hadlay shirka murashaxiinta uga socda Muqdisho ayaa ku taliyey in la balaariyo isla markaana ay kasoo baxaan natiijo wax ku ool ah taasoo xalineysa caqabadaha amniga iyo siyaasadda.

Doorashadda baarlamaanka 10aad ee Soomaaliya ayaa loo madalsan yahay in ay dhacdo dhamaadka bisha dambe ee December, halka tan madaxweynaha qorshuhu yahay in ay qabsoonto bisha Febraayo, sanadka dambe ee 2021-ka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xog ku saabsan Kulankii Xasan Sheekh iyo Mucaaradka ku yeesheen Villa Somalia

Iyadoo waqtigu si xawli ah ugu socdo doorashada 2026, hoggaamiyeyaasha Soomaaliya waxay wajahayaan caqabado culus.

  • Soomaliya

    21-07-2025

  • 07:32AM

Janan: Eedeysanaha Xadgudubyada Xuquuqda Aadanaha Oo DF U Magacowday Madaxa NISA ee Gedo

Dowladda Federaalka weli kama aysan jawaabin cabashooyinka ka dhashay magacaabista Abdirashiid Janan.

  • Soomaliya

    21-07-2025

  • 06:55AM