UN-ka oo sare u qaadaya gargaarka bini’aadannimo ee Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Hay’adda gargaarka Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ay sare u qaadeyso gargaarka bini’aadannimo ee loogu talo galay 4.9 milyan oo ka mid ah dadka ugu nugul ee sida ba’an u sameeyeen abaaraha ka jira Soomaaliya.

Sida lagu xusay warbixintii ugu dambeysay ee xaalada abaareed ee ka soo baxday xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha bini’aadannimada ee OCHA ayaa lagu sheegay in xaaladda degdega ah ee abaaraha Soomaaliya ay ka sii dartay heer uu dalku wajahayo macaluul baahsan.

Adam Abdelmoula, oo ah isku duwaha gargaarka bini'aadannimo ee Qaramada Midoobay, ayaa sheegay in heerarka baahidu ay si xawli ah kor ugu kaceyso islamarkaana ay dhaaftay awoodda ah in wax looga qabto agabka la heli karo.

"Qiyaastii 4.9 milyan oo qof ayaa waxaa saameeysay abaarta soo noqnoqatay, waxaana la filayaa in ay kasii dari doonto dhammaadka bisha Juun," ayuu yiri Abdelmoula ka dib markii uu booqasho ku tagay magaalada Gaalkacyo si ay u qiimeeyaan dhibaatada abaarta.

OCHA ayaa xustay in hay’adaha samafalka, maamulka iyo bulshada deegaanka ay dardar gelinayaan gurmadka si wax looga qabto saameynta ka dhalatay abaarta, iyadoo laga cabsi qabo in ay macluul isku bedesho.

Wafdiga ka socday Qaramada Midoobay ayaa soo arkay xaaladda adag ee ay ku sugan yihiin bulshada deegaanka ee ku barakacay abaarta ba’an ee dalka ka jirta, iyadoo socdaalkan uu sidoo kale dhiirogelin u noqday sidii loogu gurman lahaa dadka abaaruhu ay dhibaateeyeen.

Dadkan ayaa intooda badan haysan wax yaalaha aas-aasiga u ah nolasha aadanaha sida cunno, biyo nadiif ah, daawo iyo hoy ay ka galaan dhaxanta iyo kuleelaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM