UN-ka oo soo saarey baaq la xiriira xaalada HirShabelle

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa Axada maanta ah wuxuu hoosta ka xariiqdey ahmiyadda ay leedahay in dhamaan daneeyeyaasha maamulka HirShabelle ay wada hadlaan.

Dhawaqan wuxuu imaanayaa xilli magaaladda Beledwayne ay ka badan laba bilood ka taagan tahay xiisad la xiriirta diidmo shacabka gobolka Hiiraan ka muujiyeen hogaanka cusub ee maamulkaas.

James Swan, ergayga Jamciyada Qurumaha Ka Dhaxeysa, ayaa kulan daaran xaaladihii ugu dambeeyay wuxuu maanta la yeeshay wasiirka arrimaha gudaha mukhtaar Afrax iyo madaxweynaha HirShabelle.

Kulanka oo ku qabsoomay hanaan fogaan araga ah ayaa diiradda lagu saarey sidii xal deg-deg ah looga gaarin xasaradaha ka oogan Beledwayne iyo talaabooyinka ay tahay in ay qaadaan mas'uuliyiinta.

Qoraal lagu daabacay barta Twitter-ka ee UNSOM ayaa daaha looga rogay in Swan uu ku nuux-nuuxsaday baahida weyn ee loo qabo in xal kasta ay qayb ka noqdaan dhamaan saamileyda dowlad goboleedka.

"Kulamo kala duwan oo uu la yeeshey Wasiirka Arrimaha Gudaha Jeneraal Mukhtaar Afrax iyo madaxweynaha HirShabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen 'Guudlaawe', ergayga UN-ka James Swan wuxuu carabka ku adkeeyay muhiimada ay leedahay wadahadal u dhaxeeya dhamaan saamileyda si dib-u-heshiin uga dhacdo HirShabelle – Qaramada Midoobay waxay u taagan tahay in ay taageerto dedaalada noocaas ah," ayaa lagu yiri bayaanka.

Guuldaawe iyo ku xigeenkiisa Yuusuf Hagar Maxamed ayaa hogaanka maamulkaas ku qabtay rabitaanka Villa Soomaaliya oo dhinac martay heshiiska awood qeybsiga ee lagu yagleelay maamulkaas.

Bulshadda gobolka Hiiraan ayaa doodooda waxay salka ku haysaa in heshiiska awood qeybsiga uu siinayo in ay leeyihiin xilka madaxweynaha waxayna diideen soojeedin ah in caasimada laga dhigo Beledwayne.

Xasarada Beledwayne waxaa horkacaya Jeneraal Xuud kaasoo bilaabay kacdoon hubeysan dagaal dhiig ku daatayna la galay ciidamadda dowladda isaga oo xusay in aysan aqbali karin wax aan ahayn madaxweynaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM