UN: Muuse Ganjab xiriir buu la leeyahay Al-shabab

Image

October 14, 2014 (GO)- Dembi baareyaasha Qaramada Midoobay ayaa kusoo eedeeyey mid kamid ah la-taliyaasha Madaxweynaha Somalia inuu wax ka ogaa hub dowladu lahayd oo si hoose loogu gudbiyey kooxda xagjirka ah ee xiriirka leleh Al-qacida ee ka dagaalanta Somalia (Al-shaba), sida lagu shaaciyey warbixin shalay (Isniin) soo saareen gudiga Qaramada Midoobay u qaabilsan la socoshada cuna-qabateynta hubka ee saaran Somalia.

Mas'uulka lasoo eedeeyey waa Muuse Xaaji Maxamed (Ganjab) oo ah ganacsade caan ah. Muuse waa beeniyey eedaha loosoo jeediyey, wuxuuna fariin email ahay oo wakaaladda wararka ee Reuter u diray ku sheegay in eedaynta loosoo jeediyey tahay isku day la doonayo in lagu wiiqo dowlada Soomaaliya arintaasoo sida uu Ganjab tilmamay dabada ka riixayo madaxa Somali Monitoring Group Jarat Chopra.

"si aad ah ayaan isaga fogeynayaa eedeynta laysoo jeediyey" Ganjab ayaa sidaas yiri isagoo intaas raaciyey " waqti iyo awood toona taas uma lihi, sina lug uguma yeelan inaan hub cid gaar ah u gudbiyo, waxan doonayaa inaan intaas raaciyo in eedeymaha been abuurka ah ee Mr. Chopra qayb ka yihiin dadaaladiisa siyaasadeed ee la doonayo in lagu wiiqo dowlada Somalia iyo qof qof kasta sida aniga oo kale ee qayb ka qaatay beeninta warbixintii jihawareerka lahayd ee sanadkii hore gudigaasi soo saaray"

Warbixin gudiga la socoshada cuna-qabateynta hubka saaran Somalia iyo Eritrea soo saareen sanadkii hore [2013], waxaa lagu sheegay in mas'uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud si shakhsi ah lacago ugala baxeen khasnadda dowlada, taasoo sababtay in 80% lacagta bankiga dhexe laga saaray loo adeegsaday dano gaar ah. Madaxtooyada iyo Cabdisalaan Cumar oo xilligaas gudoomiyaha bankiga dhexe ahaa si weyn ayey isaga fogeeyeen eedeynta loosoo jeediyey.

Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa sanadkii 1992 Somalia kusoo rogey cuna-qabateyn dhanka hubka ah kadib markii la ridey dowladii militeriga ahayd ee Maxamed Siyaad Barre hoggaaminayey dalkuna galay marxalad adag iyo dagaale sokeeye oo qab-qableyaashii dagaalku horseed ka ahaayeen. 

Xigasho: Reuters

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cudur ka dilaacay Soomaaliya oo 120 qof ku dhimatay

Waxay sheegtay in heerka dhimashadu uu waxyar ka sarreeyo heerka heerka degdegga ah ee Ururka WHO oo ka yar ama la mid ah 1 boqolkiiba.

  • Soomaliya

    20-05-2024

  • 12:52PM

Sheekh Shariif oo kahor-yimid go'aanadii Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran

Puntland ayaa sidoo kale diiday ka qeybgalka Shirka iyo natiijadii kasoo baxday, iyadoo eedeymo culus u jeedisay Madaxweyne Xasan Sheekh.

  • Soomaliya

    19-05-2024

  • 11:11AM