Ururka Ahlu Sunna oo xirey idaacadda Galguduud

Image

May 18, 2015 (GO)- Maamulka Ahlu Sunna ayaa xabsiga u taxaabey qaar kamid ah hawl-wadeenada Radio Galguduud oo ah idaacad maxalli ah oo laga dhegeysto deegaanno ka tirsan gobollada dhexe.

Cabdiqaadir Guure oo ah aagaasime ku-xigeenka idaacaddaas ayaa looga yeeray saldhigga booliska Guriceel kadibna la xirey sida uu VOA u sheegay agaasimaha idaacadda Cabdifataax Xasan Faarax.

Cabdifataax oo la weydiiyey sababta arintan ka dambeysa wuxuu sheegay in maamulka idaacaddu ka dhega adaygeen fulinta amarro dhowaan uga yimid dhanka Ahlu Suna, kuwaasoo ay kamid yihiin:

  1. In aan la baahin karin wararka ku saabsan shirka Cadaado ka socda.
  2. Inaan la baahin karin wararka ku saabsan Dowladda Federaalka.
  3. Iyo in aan la baahin karin idaacadaha ka dhex hadla FM-yada Somalia, sida BBC iyo VOA.

Ururka saxafiyiinta NUSOJ ayaa cambaareeyey falkan kuna tilmaamey mid xadgudub ku ah madax bannaanida saxaafadda.

NUSOJ ayaa sidoo kale ugu baaqey maamulka Ahlu Sunna in dib xoriyaddiisa loogu soo celiyo wariye Cabdiqaadir Guure.

Ahlu Sunna oo qayb ka ah saxiixeyaasha shirka maamul u sameynta gobollada dhexe ayaa kamid ah dhinacyada saluugsan qaabka shirka Cadaado u socdo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo baajiyey safar uu ku tegi lahaa Ruushka xilli uu isa soo tarayo Cadaadiska Uganda

Hase yeeshee, Madaxweyne Museveni ayaa la sheegay inuu diiday codsigaas, isagoo sabab uga dhigay caqabado dhaqaale.

  • Soomaliya

    28-10-2026

  • 05:28AM

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM