Ururka ​Al Shabaab oo muwaadiniin Kenyan iyo Somali ah ku dilay Jilib

Image

JILIB, Somalia- Ururka Al shabaab ayaa Labo Nin oo ay ku eedeeyeen Basaasiis waxay Shalay gelinkii danbe ku dileen degmada Jilib, ee gobolka Jubbada Dhexe.

Wararka ayaa sheegaya in meel fagaaro ah lagu toogtey Labada Qof, oo u kala dhashay Kenya iyo Somalia, kuwaasi oo Maxkamada Al Shabaab ee degmada Jilib ku eedaysay inay ruufyamayeen howlahooda.

Waxay kala ahaayeen Ragga ay Al shabaab ku dileen Jilib;  Maxamed Ibraahim  oo 30 Jir ah, kaasi oo lagu eedeeyay inuu la shaqeynayay Sirdoonka Ingiriiska ee MI6 iyo Abdullah Daleel Muuse oo ah 28 Jir oo isna la sheegay  inuu katirsanaa Sirdoonka Kenya.

Dhacdadan ayaa daba socota mid Talaadadii lasoo dhaafay ururka Al Shabaab ka fuliysay deegaanka Ceel Cali oo ay ku khaarajiyeen 4 ruux kuwaasoo ay ku eedeeyeen inay la shaqaynayeen ciidamada Ethiopia iyo dowladda Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Xasan Sheekh oo loogu baaqey inuu xilka ka dego

War-saxaafadeedka ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed, siyaasiyiinta iyo bulshada rayidka ah inay ilaaliyaan dastuurka.

  • Soomaliya

    05-07-2026

  • 10:22AM

Turkiga oo Soomaaliya ka dhigaya Goob ay Quwadaha Caalamku ku Hardamaan

Warbixintu waxay tilmaamaysaa in xaruntan ay Turkiga u suuragelin karto inuu ballaariyo…

  • Soomaliya

    05-07-2026

  • 06:20AM