Ururka Al shabaab oo toogasho ku diley afar nin

Image

MARKA, Somaliya-Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in maleeshoyaadka Al shabaab degaanka Buulafuuleey toogasho ku dileen Afar nin.

Afartaan nin ayaa wararka degaankaas ka imaanaya xusayaan in lagu eedeeyey iney u basaasayeen sirdoonka Mareykanka iyo Kenya.

Ragaan toogashada lagu diley ayaa ururka Al shabaab sheegey inuu ku jiro nin lagu tuhunsan yahay inuu ku lug lahaa duqeyntii lagu diley hogaamiyahoodii Axmad Godane, Cabdishakur Tahliil, Yusuf Dheeg oo ahaa taliyeyaal ka tirsan Al shabaab bilihii December 2014 iyo Feb 2015.

Ciidamada Sirdoonka Mareykanka ayaa bilihii ugu dambeeyey kor u qaadey weerarada ay la beegsanayaan hogaamiyahoodii-yaasha ururka Al shabaab taasoo khasabta iney toogtaan dadka ay ugu shakiyaan 

GAROWEONLINE 

Related Articles

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM

Go’aanka Mareykanka oo saameyn ku yeeshay howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya

Howlgalka ayaa si weyn ugu tiirsan taageerada UN-ka si loo bixiyo adeegyada saadka, caafimaadka iyo gaadiidka ciidamada.

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 01:51PM