USA oo liiska argagixisada ku dartey hoggaamiyaha cusub ee Al-shabaab

Image

April 21, 2015 (GO)- Dowladda Maraykanka ayaa liiska argagixisada ku dartey hooggaamiyaha cusub ee Al-shabaab Axmed Diiriye (Abu Cubeyda) iyo sarkaal kale oo la rumeysan yahay inuu ku-xigeen u yahay oo isna lagu magacaabo Cabdiraxiim Maxamed Warsame kuna magac dheer Mahad Karatee.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda gaashaaan-dhigga Maraykanka ayaa lagu sheegay in sidoo kale abadaas nin lagu soo rogey xayiraad dhanka safarka ah hantidoodana la xanibey.

Dowladda Maraykanka ayaa sanadkii 2008 Al-shabaab ku dartey liiska ururrada argagixisada.

September 1, 2014 duqeyn diyaaradaha bilaa duuliyaha ah ee Maraykanku ka geysteen deegaanka Haawaay oo ka tirsan gobolka Shabeelada Hoose, waxaa lagu diley hoggaamiyihii hore ee Al-shabab Axmed Cabdi Godane.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Daahfurtay Siyaasadda Daboolidda Kharashaadka Adeegyada Caafimaadka

Munaasabadda daahfurka waxaa ka qeyb galay wasiirrada maaliyadda, qorsheynta iyo haweenka, wasiir ku-xigeenka caafimaadka.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 01:29PM

Khilaafkii Museveni iyo Xasan Sheekh oo Saameyn Ku Yeeshay Xiriirka Labada Dal - XOG

Ilo wareedyadu waxay sheegeen in xiriirka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 09:02AM