Villa Soomaaliya oo beenisay War aad loo la hadal-hayay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Sarkaal katirsan Madaxtooyada Soomaaliya, oo lagu magacaabo Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa beeniyay warqad baraha bulshada lagu baahiyay, oo ku aadanayd magacaabista Safiir cusub.

Cabdinuur oo la hadlay warbaahinta dowladda, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warka sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu Dr Maxamed Cali Mire u magacaabay safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya.

Wuxuu xusay in Warqada baraha bulshada lagu dhex faafiyay ay been abuur tahay, oo dadka lagu jahwareerinayo, isagoo xaqiijiyay inuusan jirin Safiir Madaxweyne Farmaajo u magacaabay Kenya.

Cabdinuur Maxamed Axmed, oo ah agaasiimaha Warfaafint iyo xiriirka Madaxtooyada, Villa Soomaaliya ayaa ka digay baahinta wararka noocaas ah, oo lagu qalqal-gelinayo Siyaasadda wadanka.

Beeninta Warqaddan waxay imaanaysa xilli ay isasa soo tarayeen mudooyinkii dambe warqado laga been abuuray maamul goboleedyada iyo Hay'adaha sare ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM

 Xasan Sheekh: Mucaaradka ma leh aragti mideysan, waana kala jabay

Isaga oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday magaalada Dhusamareb, caasimadda dowlad-goboleedka Galmudug.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 12:46PM