Villa Soomaaliya oo caddeysay mowqifkeeda shirka Baydhabo

Image
Shirka dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed ayaa la filayaa in uu furo Talaadada berri ah.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Isniinta maanta ah gaarey magaalada Baydhabo. Madaxwayne Cabdicasiis Xasan Maxamed [Laftagareen] ayaa soo dhaweeyay.

Shirka dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed ayaa la filayaa in uu furo Talaadada berri ah. Shirkan ayaa qorshuhu ahaa in uu furmo maanta hase ahaatee waxaa baajiyey "arrimo farsamo".

Villa Soomaaliya oo qoraal kooban kasoo saartey shirkan ayaa caddeysay in mowqifka Madaxtooyadda uu yahay in shirkan uu dhabaha u xaaro sidii Al-Shabaab looga xoreyn lahaa goboladan.

War-saxaafadeedka oo qeyb ka ahaa socdaalka uu Xasan Sheekh ku gaarey Baydhabo ayaa markii hore waxaa lagu soo hadal-qaadin soo dhaweynta Laftagareen oo muddo xileedkiisa ay dood ka taagan tahay.

Hase ahaatee, waxyar kadib markii arrintan ay qabsatay baraha bulshadda ayaa waxaa dib-u-habeyn lagu sameeyay qoraalka madaxtooyadda iyadda oo lagu soo daray qeybta ugu dambeysay.

"Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminaayo oo ka qeyb-galaya Shirka Wadatashiga iyo Dib u Heshiisiinta Koonfur-Galbeed ayaa soo gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta ku-meel-gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur-Galbeed," ayay tiri Villada.

Qoraalka ayaa la raaciyey: "Madaxweynaha ayaa bogaadiyay gogashan oo uu fidiyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur, si loo xaqiijiyo Koonfur-galbeed heshiis ah, loona xoojiyo midnimada iyo wadajirka dadka deegaanka".

"Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu ku sugan yahay Koonfur-galbeed waxa uu xoogga saari doonaa sidii loo dardar gelin lahaa xoreynta deegaannada Konfur-galbeed ee wali ay argagixisadu ku dhibaateeyaan dadkeenna, kana soo maleegayaan gumaadka iyo amni darrada," ayaa lagu soo xiray.

Mucaaradka Koonfur Galbeed ayaa dooda ugu badan oo ay qabaan waxay salka ku haysaa muddo xileedka Laftagareen oo ay sheegeen in uu dhamaadey halka isaga uu tibaaxayo inuu hal sano haysto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM