Villa Soomaaliya oo fahfaahisay safarka Farmaajo ee Qadar

Image
Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa xaqiijisay in Farmaajo uu la kulmi doono hogaanka dalkaas.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha waqtigu ka dhacay Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Dooxa ee dalka Qadar halkaas oo uu ku tagay safar shaqo oo labo maalmood ah.

Farmaajo oo martiqaad ka helay Amiirka Dowladda Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad Al Thani ayaa kala hadli doona xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar ay u sii ballaarin lahaayeen iskaashiga miro-dhalka ah ee dhinacyada maalgashiga, diblumaasiyadda iyo horumarinta Kaabeyaasha Dhaqaalaha, sida ay sheegtay Villa Soomaaliya.

"Safarka Madaxweynuhu waxa uu daba socodaa kulamadii hore ee ay yeesheen Madaxweyne Farmaajo iyo Amiirka Dowladda Qatar, waana mid lagu adkeynayo xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga ee miro dhalka ah ee labada dal," yuu yiri Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada

Cabdirashiid Maxamed Xaashi oo ka warbixiyay safarka Madaxweynaha ayaa hadaliisa wuxuu ku daray: "Qatar waa dal kaalin mug leh ka qaata dib u dhiska Soomaaliya".

Xaashi oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay wax uu ugu yeeray "muhiimadda Booqashada Madaxweynuhu ay u leedahay mustaqbalka iskaashiga labada dal".

"Iyada oo Madaxweyne Farmaajo iyo Amiir Tamiim ay ka wadahadli doonaan xaaladihii ugu dambeeyay ee Gobolka iyo danaha wadajirka ah ee ka dhexeeya Labada Shacab ee Walaalaha ah," ayuu kusoo xiray.

Xukuumadda Dooxa ayaa shantii sano ee lasoo dhaafay saameyn siyaasadeed iyo mid dhaqaale ku lahayd gudaha Soomaaliya iyadda oo mar kale dooneysa in ay taageerto dib u doorashadda Maxamed Farmaajo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo Taageertay Qaraarka Qaramada Midoobay ee qorshaha Trump ee Nabada Gaza

Mas’uuliyiinta ku xeel dheer mowqifka Soomaaliya ayaa sheegay in Muqdisho ay weli ka go’an tahay xalka laba-dal.

  • Soomaliya

    18-11-2025

  • 03:51PM

DFS oo sheegtay in macdan-qodis iyo baaris sharci-darro ay ka socdaan gudaha Soomaaliya

Digniintan ayaa imaanaysa iyadoo Soomaaliya uu ka jiro khilaaf ku saabsan maamulka khayraadka oo u dhaxeeya DFS iyo Maamullada.

  • Soomaliya

    17-11-2025

  • 12:38PM