Villa Soomaaliya oo fahfaahisay safarka Farmaajo ee Qadar

Image
Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa xaqiijisay in Farmaajo uu la kulmi doono hogaanka dalkaas.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha waqtigu ka dhacay Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Dooxa ee dalka Qadar halkaas oo uu ku tagay safar shaqo oo labo maalmood ah.

Farmaajo oo martiqaad ka helay Amiirka Dowladda Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad Al Thani ayaa kala hadli doona xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar ay u sii ballaarin lahaayeen iskaashiga miro-dhalka ah ee dhinacyada maalgashiga, diblumaasiyadda iyo horumarinta Kaabeyaasha Dhaqaalaha, sida ay sheegtay Villa Soomaaliya.

"Safarka Madaxweynuhu waxa uu daba socodaa kulamadii hore ee ay yeesheen Madaxweyne Farmaajo iyo Amiirka Dowladda Qatar, waana mid lagu adkeynayo xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga ee miro dhalka ah ee labada dal," yuu yiri Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada

Cabdirashiid Maxamed Xaashi oo ka warbixiyay safarka Madaxweynaha ayaa hadaliisa wuxuu ku daray: "Qatar waa dal kaalin mug leh ka qaata dib u dhiska Soomaaliya".

Xaashi oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay wax uu ugu yeeray "muhiimadda Booqashada Madaxweynuhu ay u leedahay mustaqbalka iskaashiga labada dal".

"Iyada oo Madaxweyne Farmaajo iyo Amiir Tamiim ay ka wadahadli doonaan xaaladihii ugu dambeeyay ee Gobolka iyo danaha wadajirka ah ee ka dhexeeya Labada Shacab ee Walaalaha ah," ayuu kusoo xiray.

Xukuumadda Dooxa ayaa shantii sano ee lasoo dhaafay saameyn siyaasadeed iyo mid dhaqaale ku lahayd gudaha Soomaaliya iyadda oo mar kale dooneysa in ay taageerto dib u doorashadda Maxamed Farmaajo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan firaaq amni kadib go'aanka Mareykanka

Mareykanka ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay December 2026 jarayo lacagtii uu ku bixin jiray howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 11:38AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tacsi ugu tegay Amiirka Qatar geerida Amiirkii hore

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Ku-xigeenka Amiirka Qatar, Sheekh Cabdulla bin Xamad Aal Thaani.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 05:13AM