Villa Soomaaliya oo "hormuud u ah" dabindaabinta doorashada

Image
Su'aallo badan ayaa hareeyay qaabka ay ku bilaabatay xulista xubnaha Aqalka Hoose.

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa wali hormuud u ah olole ballaaran oo lagu dabin-daabinayo geedi-socodka doorashooyinka heer federaal, sida uu shaaca ka dhigay musharax madaxwayne.

Daahir Maxamuud Geelle, hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka DanQaran oo qoraal ku daabacay ciwaankiisa gaarka ah ee Facebook, ayaa hoosta ka xariiqay in muhiim ay tahay in coddeynta ay noqoto mid hufan.

Geelle, safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhiyey Sacuudiga iyo wasiirkii hore ee warfaafinta, ayaa hadalkan sheegay kadib markii shalay uu hoygiisa Muqdisho ku booqdey Maxamed Cusmaan Jawaari.

Jawaari ayaa todobaadkii hore waxaa laga soo celiyey magaalada Baydhabo kadib markii loo diidey in uu u tartamo xubinimadda Aqalka Hoose. Geelle wuxuu talaabadaas la xiriiriyey Villa Soomaaliya.

Hoos ka akhriso qoraalka

Galabta waxaan booqasho sharafeed ugu tagay Guddoomiyihi Hore ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Sheekh Cusmaan , oo ah xeeldheere siyaasadeed iyo aqoonyahan Soomaaliyeed.

Booqashadaydu ma ahayn middii ugu horraysay ee aan ugu tago, mar kasta oo aan jeclaysto in aan isbadbadallada siyaasadeed aqoon, caqli iyo waaya-aragnimo aan ka kororsado ayaan isaga u tagaa.

Laakin, booqashadayda galabta waxay ku saabsanayd in aan wax ka ogaado xaaladihi ugu danbeeyay ee ka soo qabsaday hannaan doorashadeedkan gurracan iyo safarki uu Baydhabo ku tagay, waxaana iisoo baxday labo arrimood oo waawayn:

1) Doorashooyinka in ay ku socdaan hannaan baalmarsan dastuurka, sharciga, qaanuunka iyo sooyaalka suubban ee ay Soomaalida leedahay. Wax la xurmaynaayo oo diin, akhlaaq, mudnaan, ama waayeelnimo ah in aysan jirin!

2) In Villa Somalia ay wali hormuud ka tahay dabindaabyada, iyo duminta hannaanka dimuqraadiyadda, ayna masuul ka tahay hagardaamada Maxamed Sheekh Cusmaan loogu diiday xuquuqda muwaaddin kasta uu leeyahay ee ah in uu xilalka guud ee dalka isu soo sharraxo, oo loo doorto ama wax u doorto.


Musharaxiinta madaxtinimadda ayaa ah darafka ugu badan ee walaaca ka muujiyey doorashooyinka gaar ahaan qaabka loosoo xulayo mudaneyaasha Golaha Shacabka kuna hanjabay dhismaha dowlad cusub haddii isbedel imaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo isku keenay xulafadiisa Baydhabo xilli loolan adag loogu jiro hoggaanka Koonfur Galbeed

Dadaalladan isku xirka ah ayaa lagu soo beegay xilli la shaaciyay in doorasho qof iyo cod ah ay magaalada ka dhici doonto 28-ka April.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 10:48AM

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM