Villa Soomaaliya oo ka hadashay geerida Kofi Annan

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xoghayihii 7aad ee Qaramadda Midoobey, Kofi Annan ayaa shalay ku geeryooday dalka Switzerland, isagoo 80 jir ah, waxaana dhimashadiisa loo tiiriyay xanuun kusoo booday.

Madaxtooyadda dalka Soomaaliya oo ka hadashay geerida Annan waxay tilmaamtay inay aad uga murugooneyso dhimashadda Kofi Annan, waxayna ku dhimaamtay sharci-dijiye aan caadi ahayn, kaasoo waqtigiisa u huray inuu dunida wanaajiyo.

"Aad ayaan uga muragooneynaa dhimashada Kofi Anan. Waxuu ahaa sharci-dejiye, kaasoo ay ka go'an tahay inuu ka shaqeeyo sidii uu dunida uga dhigi lahaa mid wanaagsan," ayaa lagu yiri qoraal lasoo dhigay barta Twitter-ka ee Villa Soomaaliya.

Annan ayaa waxa uu diblumaasi sarre, kaasoo udhashay dalka Ghana ee Qaaradda Afrika waxa uuna xilka Xoghayaha guud ee Qaramadda Midoobey uu hayay intii udhaxeysa January 1997 iyo December 2006, xili Villa Soomaaliya ay amaanta howlahiisa.

"Aad baan uga naxnay geerida Kofi Annan. Wuxuu ahaa dimlomaasi caalami ah oo ka go'nayd inuu ka shaqeeyo nabada caalamka. Waxuu waqtigiisa u huray hel u helida colaadaha. Dhaxalkiisa wuu sii noolaan doonaa," ayaa lagu yiri qoraalka Villa Soomaaliya.

Annan ayaa intii uu hayey Jagadda Xoghayaha guud ee QM ayaa waxuu dhowr mar jeer oo kala duwan uu soo booqday magaaladda caasimada ah ee Muqdisho, waxaana uu kaalin wayn kasoo qaatay xal u helista dagaalada garaadiyay Soomaaliya.

Geeridda lama filaanka ah ee ku timid Kofi Annan waxaa si wayn uga fal-celiyay caalamka, iyadoo hoos lo dhigay calanka Qaramada Midoobey, si loogu xushmeeyo xogyihii hore, oo mudo 10 sano ah soo hogaamiyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo uga Digay Dowladda Soomaaliya in Awood loo Adeegsado Dibad-baxayaasha

Dhanka kale, laamaha amniga ayaa ku doodaya inay ka hortagayaan kooxo raba inay qalqal geliyaan nabadgelyada caasimadda.

  • Soomaliya

    12-05-2026

  • 09:33AM

Shacabka Mandheera oo Dalbaday in Laga Saaro Ciidamada Jubaland Kadib Weerarkii Dadka Lagu Laayay

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Kenya, Rigathi Gachagua, ayaa sidoo kale ku baaqay in ciidamada Jubbaland laga saaro dhulka Kenya.

  • Soomaliya

    12-05-2026

  • 06:07AM