Villa Soomaaliya oo raadineysa la kulanka Qalbi Dhagax

Image

NAIROBI- Qalbi Dhagax oo ku sugan magaalada Nairibi ayaa waxaa kulamo kala duwa magalada Nairobi kula leeyahay siyaasiyiin Soomaali ah.

Hotelka uu la dagan yahay magaalada Nairobi ayaa marka laga soo tago dadweynaha soo booqanaya ayaa waxa kulamo uu la yeeshey xildhibaano ka tirsan Barlamaanka Federaalka Soomaaliya gaar ahaan kuwo mucaaradka ku ah Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isal wasaare Khayre iyo siyaasi Cabdiraxman Cabdi Shakuur.

Mahad Salaad iyo Axmad Macalin Fiqi ayaa hogaaminayey xildhibanada kulamada la qaatey Cabdikariim Shiikh Muse ‘Qalbi dhagax’ Kuwasoo sida ay ku bahiyeen baraha bulshada sheegey iney u gidbiyeen fariimo ay uga sideen shacabka.

Dhinaca kale waxaa maanta la filayey in kulan la qaataan Qalbi Dhagax mas’uuliyiin ka tirsan dowlada Federalaka kuwasoo uu hogaaminayey Wasiirka duulista Hawada.

Warar warsidaha GO heley ayaa sheegaya in mas’uuliyiinta dowlada oo xiliga warkaan aan heleyno ku sugnaa Hotelka Qalbi Dhagax dagan yahay uu horkacayey siyaasi Farax Macalin oo horey Barlamanka Kenya Afhayeen uga soo noqdey.

Farax Macalin oo wayadaan dambe aad ugu dhowaa Villa Somalia ayaa sida aan wararka ku heleyno u saamaxayey in Qalbi Dhagax aqbalo la kulanka mas’uuliyiinta ka socotey dowlada Federalka.

Qalbi Dhagax ayaa la filayaa in maalmaha soo socdo ka hadlo xaflad dadka Soomaalida Reer Kenya ugu qaban doonaan magaalada Nairobi taasoo la filayo inuu ka sheego sidii loo qabtey iyo dadkii ka dambeeyey.

Dowlada Soomaaliya ayaa waxay kala kulantey Culeys siyasadeed soo daynta Qalbi Dhagax iyadoo hadal dhowaan uu jeediyey safiirka dalka Ethiopia u fadhiya Muqdisho ku sheegey in sii daynta sarkaalkaan ka tirsanaa ururka ONLF timid kadib markii codsi kaga yimid wadankiisa Villa Somalia. 

Cabdikarim Shiikh Muuse ayaan weli cadeyn dadkii ka dambeeyey dhiibistiisa isagoo hadal kooban uu ka jeediyey Addis Ababa aan si faahfaahsan u sheegin qabashadiisa iyo shaqsiyaadkii ka shaqeeyey.

Magalaada Nairibo ayaa sidoo kale waxaa ka socda kulamo ay ku yeelanayaan Xildhibaano ka tirsan aqalka hoose ee Barlamanka Soomaaliya kuwasoo mucaarad ku ah Madaxa sare ee dalka.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM

Museveni oo Farta ku Fiiqay Sababta ugu weyn Khilaafaadka Soomaaliya, Baaqna u Diray Hoggaanka Dalka

Museveni ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu Madaxtooyada Entebbe kula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 08:55AM