Villa Soomaaliya oo si dabacsan uga falcelisay gefka Macron ee Islaamka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa qaab gacan-ku-gabad ah waxay uga falcelisay gefka uu madaxweynaha waddanka Faransiiska kula kacay Diinta suuban ee Islaamka iyo Nabi Maxamed [NNKH].

War qoraal ah oo lagu daabacay ciwaanada baraha bulshadda ee Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa waxaa ciwaan looga dhigay: "Kala saaridda xorriyadda hadalka iyo ku xadgudubka muqadasaadka Diiniga ah".

Bayaanka ayaa waxaanan si toos ah loogu carabaabin midkoodna – Dowladda Faransiiska ama hogaamiyaha dalkaas Emmanuel Macron – oo ah shaqsiga ka dhawaajiyey hadalkaas ka careysiiyey malaayiin Muslimiin ah.

Villa Soomaaliya ayaa u muuqata mid adeegsaneysa luuqad dabacsan ayaa madaxda caalamka ugu baaqdey ka fogaadan ficiladan oo kale.

"Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ka xun tahay in lagu xadgudbo caqiidada iyo muqdasaadka dadka Muslimiinta ah oo uu ugu horreeyo Suubanaheenna Nabi Muxamed, nabadgelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee, iyada oo marmarsiyo laga dhiganayo xorriyadda hadalka".

Bayaanka ayaa waxaa intaas la raaciyey: "Waxay adduunydu isla ogoshahay in la dhawro Muqadasaadka diiniga ah, gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u taabanaya diinteenna sharafta badan ee Islaamka".

"Fal kasta oo dhaawacaya dareenka dadka Muslimiinta ah wuxuu u adeegayaa danaha kooxaha xagjirka ah, waxaana habboon in laga fogaado ficilladan oo kale maadaama ay abuurayaan nacayb bulsho oo ka dhex dhasha shucuubta caalamka ee kala aaminsan aragtiyada iyo diimaha kala duwan".

War-saxaafadeedka ayaa lagu xusay: "Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ku boorrinaysaa hoggaamiyeyaasha caalamka in ay si taxadar leh uga fiirsadaan hadallada xadgudubka ku ah dareenka dadka Muslimiinta ah iyaga oo kala saaraya xorriydda hadalka iyo ku xadgudubka muqadasaadka diiniga ah".

Cambaareynta xukuumadda Muqdisho ee dhawaqa Macron oo lagu qeexi karo mid soo daahay marka loo eego dalalka kale ee Islaamka ayaa timid xilli ay magaalooyinka qaar ee wadanka dhaceen mudaaharaadyo liddi ku ah France.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM