Villa Soomaaliya oo si dadban uga jawaabtay eedeymo hareeyay safarka Madaxweynaha

Image

MUQDISHO, ( GO) - Madaxtooyada Soomaaliya ayaa isku taxluujinaysa in jihada kale u weeciso daadad eedeymo ah iyo buuq siyaasadeed oo hareeyay safarka madaxweynaha ee Maraykanka.

Madaxweynaha ayaa lagu eedeeyay in weftigiisa uu ka dhigay afar qof oo ay isku heeb iyo isku xisbi yihiin oo aanan haynin xilalkii ku haboonaa shaqada laga hayo Bew York iyo Washington.

Si taasi looga jawaabo, waxaa shalay Muqdisho ka duulay wasiirka Arrimaha dibedda Abshir Huruuse, oo weftiga madaxweynaha dib kaga biiraya.

Sidoo kale waxay Villada faafisay muuqaal uu  hadlayo agaasimaha Madaxtooyada Xuseen Sheekh Maxamuud oo weftiga qeyb ka ah.

Dhinaca kale waxa ay madaxtooyada xakamaysay sawirrada iyo muuqaalada ku saabsan kulamada, iyada oo safka hore la keenay wasiiro hore oo uu ka midyahay Xuseen Cabdi Xalane oo ahaa wasiirkii maaliyadda oo isaga iskiis isaga joogay Maraykanka.

Waxa kale oo bogga rasmiga ah ee Villada laga saaray sawir ay ka muuqdaan xubnaha weftiga madaxweynaha ee heerkoodu hooseeyo.

Balse talaabo kasta oo ay qaaddo madaxtooyada, waa mid isha lagu hayo islamarkaana ka sii daraysa hadii xaalku sidaan ku sii socdo kuwaas oo ay ka falcelinayaan Baraha Bulshada iyo warbaahinta madaxa banaan.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya oo xariga ka jaray xarun sirdoon

In ka badan 50 dagaalyahan ayaa si xun u dhaawacmay, wasaaraddu waxay sheegtay.

  • Soomaliya

    14-09-2025

  • 08:40PM

Fiqi oo Difaacay Ururka Jaamacadda Carabta Kaddib Dhaliil ka Timid Itoobiya

Safiirka dalka Itoobiya ee Muqdisho, Suleyman Dedefo, ayaa dhankiisa ku eedeeyay Jaamacadda Carabta.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 06:46PM