Villa Soomaaliya oo weerar ku ah kursi uu doontay Warsame

Image
Guddoomiye Maxamed Daahir iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur waxaa la sheegay in aysan isku fiicneyn.

MUQDISHO, Soomaaliya – Villa Soomaaliya ayaa weerar ku ah kursiga HOP#138 ee uu raadinayo hoggaamiyaha xisbiga Siyaasadeedka Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyada oo u maraysa guddiga qoondada dumar iyo xubno ka tirsan guddiga oo xiriir la leh maamulka waqtigiisu dhamaaday ee Farmaajo.

Sida uu ogaaday Garowe Online, talaabada ay qaaday Villa Soomaaliya ayaa timid ka dib markii Arbacadii uu Dhuusamareeb gaaray Warsame oo shantii sano ee la soo dhaafay ku kharash gareeyey mucaaradnimada Farmaajo iyo kooxdiisa.

Qoraal lagu baahiyay bogga rasmiga ah ee guddiga doorashada ayaa lagu sheegay in ay beesha Habargidir laga doonayo qoondada haweenka ee 30% hadii aan taas la samayna “in aan laga aqbali doonin beellaha iyo dowlad-goboleedyada in aan la tixgalin qoondada haween ee 30%”.

Qoraalka ayaa la fahamsanyahay in uu si toos ah ugu socdo kursiga uu raadinayo Cabdiraxmaan Cabdishakuur, kan uu ku fadhiyo Mahad Maxamed Salaad iyo midka uu ku fadhiyo Cabdisaabir Shuuriye oo hada wasiir ka ah maamulka Qoor Qoor.

Hoggaamiyaha Galmudug Axmed Qoor Qoor waxaa la sheegay inuu ogolyahay in Cabdiraxmaan Cabdishakuur uu qaato kursiga beeshiisa, laakiin ma rabo inuu u xoogo sidii loo sameeyey ragga qaar.

Shirkii ugu dambeeyey oo seddax cisho ka hor ay Muqdisho ku yeesheen Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Qoor Qoor waxaa la isla qaatay in maamulku uusan aad u fara gelin kursigaan, balse si dadban uu u taageero Cabdiraxmaan.

Seddax jufo ayuu ka dhaxeeyaa kurigaan, odayaasha ay taladu ka go’do ee 3-daas jufo iyo dhalinyaradu waxay ka mideysan yihiin rabitaanka ah in kursigaan la siiyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur sida uu ku dooday mid ka mid xubnaha sida dhow ula socda qorshaha kursigaan.

Madaxweyne Farmaajo iyo kooxdiisa waxaa ka go’an inay taageeraan cid kasta oo Cabdiraxmaan Cabdishakuur dhaafi karta kursigaan, si loo qab-jebiyo.

Sidoo kale waxaa jira culeys ka imaanaya dhanka guddoomiyaha guddiga doorashada Galmudug Maxamed Daahir Guuleed, kaas oo ka soo jeeda beesha iska leh kursigaan.

Guddoomiye Maxamed Daahir iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur waxaa la sheegay in aysan isku fiicneyn.

Si walbaba markii dhinacyo badan laga fiiriyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa la saadaalinayaa inuu ku soo bixi doono kursiga Hop 138 oo la dooranayo horaanta todobaadkaan wallow ay ku furanyihiin culaysyo uga imaanaya dhanka Farmaajo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo Taageertay Qaraarka Qaramada Midoobay ee qorshaha Trump ee Nabada Gaza

Mas’uuliyiinta ku xeel dheer mowqifka Soomaaliya ayaa sheegay in Muqdisho ay weli ka go’an tahay xalka laba-dal.

  • Soomaliya

    18-11-2025

  • 03:51PM

DFS oo sheegtay in macdan-qodis iyo baaris sharci-darro ay ka socdaan gudaha Soomaaliya

Digniintan ayaa imaanaysa iyadoo Soomaaliya uu ka jiro khilaaf ku saabsan maamulka khayraadka oo u dhaxeeya DFS iyo Maamullada.

  • Soomaliya

    17-11-2025

  • 12:38PM