Waa kuma qofkii fuliyay Qaraxii Ismiidaaminta ee Baar-Sanguuni?

Image

BAAR-SANGUUNI - Kooxda Al-Shabaab ayaa shaacisay magaca naftii-hurihii fuliyay qaraxii dhawaan lagu weeraray Saldhiga ciidamada Jubbaland, kuwa dowladda Federaalka iyo Mareykanka ee duleedka magaalada Kismaayo.

Is-qarxinta oo dhacay galabnimadii Sabtiadda [9-ka bishan June] ayaa ka dhacay deegaanka Baar-Saanguuni, kaasi oo ay ku dhinteen ninkii wadey Gaariga qaraxa lagu soo xiray watay iyo labo Askari oo kuwa Jubbaland kamid ahaa.

Saraakiisha Jubbaland ayaa sheegay in Qaraxa uu fashilmay kadib markii Askari kamid ahaa Ilaalada xerada uu markii ka shakiyay Gaariga taasi oo keentay inuu ku qarxo irida saldhigga Ciidamada. [Halkan ka akhri Warka].

Al-Shabaab oo mas'uuliyadda weerarka Ismiidaaminta ah, iyadoo ku faantay inay ku dishay 50 Askari oo ka tirsan ciidamada Jubbaland, balse maamulka Axmed Madoobe ayaa gaashaanka ku dhuftay.

Idaacadda Andulus oo ku hadasha afka Al-Shabaab ayaa baahisay in Ismiidaamiyaha lagu magacaabi Yuusuf Cumar Cali oo ku magacdheer "Foorto" oo ahaa 24 jir, kasoo jeeda beesha Wacdaan Cismaan.

Weerarkan oo khasaarihiisu xadidnaa, ayaa dhacay maalin kadib markii weer hoobiye iyo mid toos ah oo lagu qaadey isla Saldhiggan lagu dilay Askari u dhashay dalka Mareykanka.

Ma ahan markii ugu horeysay oo ay Al-Shabaab baahiso magaca shaqsi weerar u fuliyay, iyadoo sidaan oo kale tiro dhowr jeer ah ay soo bandhigeen magaca, sawirka iyo heebta dagaalame weerar u fliyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Xuseen Macalin oo isku-casiley faragelinta xafiiska Xasan Sheekh, balse laga diiday

Dooda ugu weyn ee mucaaradku qabaan ayaa ah in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud si aad ah gacanta ugu hayo maamulka...

  • Soomaliya

    22-07-2025

  • 07:36AM

Xog: Villa Somalia oo Firdhiye u Wadda Madaxtinimada Khaatumo

Gudoomiyihii hore ayaa magaalada Laascaanood la tagey ergooyin ka kooban…

  • Soomaliya

    21-07-2025

  • 07:00PM