Waare oo la baafinayo xilli ay qaylo-dhaan kasoo yeereyso HirShabelle

Image

JOWHAR, HirShabelle – Madaxweynaha waqtiga ka dhamaadey ee HirShabelle, Maxamed Cabdi Waare, ayaan shaashadaha kasoo muuqan ku dhowaad hal bilood  xilli magaalooyinka maamulkaas laga qaban-qaabinayo doorashooyin.

Bishaan October 6-deeda sanadkan 2020 ayaa ahayd markii ugu dambeysay oo qoraal rasmi ah kana soo baxay xafiiskiisa lala wadaagay saxaafadda. Bayaankaas wuxuu ku naqdiyey shaqada uu waddo guddiga uu isagu magacaabay.

Guddiga ayaa la sheegay in ay caasimada maamulka ee Jowhar ka wadaan soo xulista Xildhibaanadda baarlamaanka labaad ee dowlad goboleedka, wallow ay qaylo-dhaan kasoo yaareyso hanaanka uu u socodka geedi u socodkaas.

Madaxtooyadda Soomaaliya iyo Taliska nabad-sugida ayaa lagu waramay in ay faragelin ku hayaan habkaas isla markaana ay odayaasha soo xulaya mudaneyaasha u yeerinayaan magacyo ay doonayaan in ay soo xulaan.

Sidda ay wararku qeexayaan, dowladda ayaa meesha ka saartey qaar kamid ah odayaasha ay soo dirsadeen bulshooyinka qaar ka gedaal markii ay ka biyo diideen in ay u hogaan-samaan qorshaha ay u soo degsatay nidaamkaas.

Madaxweyne ku xigeenka HirShabelle, Cali Cabdullaahi Guudlaawe oo la wariyey in loo waddo in uu xafiiska ka bedelo madaxweyne Waare ayaa la fahansan yahay in uu Villa Soomaaliya ku gacansiinayo siduu u fuli lahaa qorshahaas.

Maqnaanshiyaha Waare ayaa dhalisay tuhun ku saabsan in uu "xabsi guri ugu jiro dowladda oo ka cabsi qabta in uu sameeyo olole uu ku naqdiyo damaceeda". Wararku waxay xusayaan in laga hor istaagay in uu u safro Beledwayne.

Bulshooyinka ku nool gobolka Hiiraan ayaa ka mudaaharaadey in la hareer-marsiiyo xilka madaxweynaha oo saami-qeybsi ahaan ay u leeyihiin.

Cabdullaahi Sanbaloolshe, taliyihii hore ee sirdoonka Soomaaliya oo u waramay Universal Tv, ayaa ku dhaleeceeyay xisbiyadda mucaaradka in ay ka gaabiyeen ka hadalka gacma-gacmeynta ay dowladda ku hayso doorashada maamulkan.

Fahfaahinta ayaa intaas ku dareysa in sababta dowladda Farmaajo u dooneyso in ay ku lug-yeelato soo xulista baarlamaanka labaad ee HirShabelle ay tahay in ay soo saaraan Senator heer federaal kuwaasoo daacad u ah Villa Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM