Waare oo shaaciyey in uu iska casilay xilka madaxweynaha HirShabelle

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Maxamed Cabdi Waare ayaa wuxuu ku dhawaaqay in uu iska casilay xilka madaxweynaha HirShabelle, sidda uu ku faafiyey ciwaanadiisa gaarka ah ee uu ku leeyahay baraha bulshadda.

Waare oo xafiis ka tagida ku shaaciyey warqad ku taariikheysan 2-da November, 2020 ayaa cuskaday in la qaadan waayay talo uu soo jeediyey oo ku saabsaneyd dhismaha HirShabellada labaad.

Bishii hore ee October ayay ahayd markii uu Waare ku baaqay in dib loo dhigo doorashadda HirShabelle isla markaana dib u heshiisiin loo sameeyo bulshooyinka si loo helo maamul loo dhan yahay.

Dowladda federaalka, qaar kamid ah madaxda maamulkaas iyo xubno kale oo magacyadooda uusan carabaabin ayuu ku eedeeyay ku qanceen "qaab ka xun" habkii loo yaglaalay HirShabelle 2016-kii.

Hogaanka xisbiyadda mucaaradka waddanka gaar ahaan siyaasiyiinta kasoo jeeda degaanada HirShabelle ayuu ku dhaleeceeyay in ay ka gaabiyeen ka hadalka faragelinta Villa Soomaaliya.

U diyaar-garowga doorashooynka 2020-21 ayuu hoosta ka xariiqay in saameeyay dhismaha HirShabelle loo dhan-yahay isla markaana dowlada dhexe ka goobeyso qorshaheeda coddeynta soo aadan.

"Maadaama taladii aan soo jeediyey la aqbali waayey, si waafaqsan Qododka 52aad ee Dastuurka Ku meel gaarka ee Dowladda HirShabelle, waxaan iska casilay xilkii Madaxweynaha Dowladda HirShabelle oo Xubin ka ah Dowladda Federalka Soomaaliya. Waxaan Shacabka HirShabelle iyo kan Soomaaliya u rajeeynayaa Guul iyo barwaaqo," ayuu soo qoray.

Go'aanka Waare ayaa yimid xilli uu in ka badan muddo bil ah ama tan iyo soo xulista baarlamaanka labaad ee HirShabelle uusan shaashadaha kasoo muuqan, lana tuhunsan yahay in uu xabsi guri ugu jiro Muqdisho.

Hoos ka akhriso warqadda Waare

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM