Wabiga Jubba oo fatahaad sameeyay

Image

22 Octobar, 2015(GO)-Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada dhexe ee dalka Somalia ayaa laga soo sheegayaa cabasho ku aadan fatahaad uu sameeyay wabiga Jubba.

Dadka deegaanka ayaa tilmaamay in fatahaadu saamaysay Beeralayda, iyagoo xusay in dhammaan dalagii u beernaa iyo matooradii kala tageen Biyaha wabiga.

Xaaladda oo ka sii darta ayay bulshadu ka digtay hadii aan wax laga qaban.

Falkan ayaa imaanaya xilli uu jiro baaqyo ku aadan sidii looga hortagi lahaa duufaanta El nino. 

Isniintii aynu soo dhaafnay Afar Carruura ayaa ku dhintay Roobab ka da’ay deegaanka Malmalkuus oo hoostaga degmada Saakow ee gobolka Jubbada dhexe.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda oo kadib weerarkii Godka Jilicow oo ku dhawaaqday go'aan cusub

Wasiirka ayaa sheegay in Al-Shabaab ay beddeshay xeeladooda weerarada kadib markii laga hortagay isticmaalka gaadiidka rayidka.

  • Soomaliya

    12-10-2025

  • 01:34PM

Kiiska Faragelinta Xasan Sheekh ee Gedo oo Jubaland gaarsiisay UN-ka

Xiisadaha u dhexeeya Muqdisho iyo Kismaayo ayaa aad u sii xoogeystay, iyadoo Kenya ay ku lug yeelatay dadaallo dhexdhexaadin ah.

  • Soomaliya

    11-10-2025

  • 12:15PM