Wabiga Shabeele oo ku fatahay degmada Beledweyn

Image

October 28, 2014 (GO)- Webiga Shabeela ayaa ku fatahay xaafado ka tirsan degmada Beledweyn ee xarunta gobolka Hiiraan. Boqollaal qoys ayaa ka cararay xaafadaha biyaha webigu gaareen, dadkaasoo badankoodu u barakacay tuulada Ceel Jaalle ee ku taalla duleedka Beledweyn. 

Xaafadaha webigu si aadka ah ugu fatahay waxaa kamid ah Raadeerka iyo Xaawo Taako.Khaasre maaliyadeed oo badan ayaa ka dhashay fatahaada  maadaama biyuhu waxeeylo u geysteen tobanaan guri iyo goobo ganacsi oo yaryar.

Maamulka degmada Beledweyn ayaa wada dadaallo ku aadan sidii loo xiri lahaa meelaha biyaha webigu kasoo jabeen si loo yareeyo khasaaraha. 

Roobab mahiigaan ah oo maalmihii u dambeeyey ka da'ayey qaybo badan oo kamid ah gobolka Hiiraan ayaa sababay in heerka biyaha webiga Shabeele kor u kaco. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidanka Dowladda Puntland oo Weerar Ballaaran ku Qaaday Daacish

Weeraradan cusub ayaa daba socda duqeymo habeenimadii xalay lala beegsaday bartilmaameedyo gaar ah.

  • Soomaliya

    11-08-2025

  • 07:38AM

Mungaab: Musuqmaasuq baahsan ayaa curyaamiyay Maamulka Gobolka Banaadir

Arrintan ayaa dhalisay baaqyo ku aaddan in dib u habeyn lagu sameeyo nidaamka shaqaalaha dowladda hoose.

  • Soomaliya

    11-08-2025

  • 06:39AM